Hay’addaha Dawladda Somaliland oo Kaalmo-Gaadhsiiyay Qoysas Abaartu soo Barakicisay

0
385

Hargeysa (Dawan):-Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif  iyo masuulyiin ka tirsan hay’addaas iyo madaxda Ciidanka booliska ayaa kaalmo raashin ah gaadhsiiyay   13 qof oo soo guurto ahaa isla markaana iyaga iyo xoolihii ay wateenba gaadhi kula dhacay inta u dhaxaysa Hargeysa iyo degaanka Abaarso.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo barakcayaasha Qaranka ayaa qadar lacag ah guddoonsiiyay qoysaskaasi.

Shilka gaadhi ee ay galeen qoyskaasi ayaanay wax dhimasho ahi ka dhalan marka laga reebo laba ruux oo dhaawac fudud soo gaadhay, halka xoolihii ay wateen oo ahaa ku dhawaad laba boqol oo neef ay dhinteen labaatan neef.

Qoyskaas ayaa markii danbe iyaga  iyo xoolohoogiiba la saaray gawaadhida ciidamada  loona qaaday deegaamadii ay hayaanka u  ahaayeen.

Xaalada abaarta ee dalka ka jirta ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaysa, iyada oo ay bulshadu degaano kala duwan xoolahooda ula naqraacayaan.

Waxa jira degaano aan badnayn oo waqooyiga Somaliland ah, isla markaana ay heleen roobab aan badnayni, balse bulshadii ugu badnayd u hayaameen iyaga oo gaadiid iyo lugba miciinsanaya.

 

 

 

Leave a Reply