Jeelashada Somaliland oo laga Siidaayay Dad loo Xidh-xidhay Muddaharaadkii Mucaaridku Abaabulay

0
299

Qore Khadar M. Xaashi

Gabiley (Dawan)  – Waxa xoriyadooda dib u helay 49 qof oo loo xidh xidhay mudaharaadkii xisbiyada mucaaradka Somaliland dhigeen 11 August.

Cuqaal iyo waxgarad ayaa ka hawlgalay siidaynta 26 qof oo ku xidhnaa xabsiga Madheera iyo 23 hablood oo ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Gabilay, waxaana lagu siidaayay warqad codsi ah oo cuqaashu u qoreen Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabaggale.

Xoghayaha Xidhiidhka gobolada iyo Degmooyinka ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Jaamac Bookh, oo ka qaybgalay siidaynta hablaha ku xidhnaa xabsiga Gabilay, ayaa u mahadnaqay cidkasta oo ka qaybqaadatay siidayntooda.

Waxaanu yidhi.”Dhamaan cid  kasta oo ka qayb qaadatay hablahaa soodayntooda ayaanu u mahadnaqaynaa, manta(shalay) halkan wax kale ka odhanmayno, 49 kaa qof ee lasiidaayay ee badhna Madheera ku jireen 23-na halkan, dhamaan ciddii ka qaybqaadatay in aanu u mahadnaqno”

Dhanaca kale, salaadiinta iyo cuqaasha ka howlgashay siidaynta dadka xidhnaa, ayaa u mahadnaqay xukuumadda iyo taliyaha booliiska, iyo shacabka Gabiley oo ay sheegeen in ay si wanaagsan ula dhaqmeen oo usoo dhaweeyeen hablaha xidhnaa.

Waxaaney yidhaahdeen.“Ciidamada xabsiga Gabiley oo dadka si fiican ula dhaqmay oo dhallinyarada ku xidhneyd ee 23-ka hablood ahayd la shaqeeyay iyo ehelkii u imanayayba iyagana waanu u mahadcelinaynaa.

Xukuumadda Somaliland iyo taliyaha ciidanka ayaanu u qornay waraaq aanu ku dalbanaynay siidaynta 49 qof oo xidhnaa.

Jananka waanu u mahadcelinaynaa, culays fara badan ayaa saaran, ciidamada booliska laftoodaba kuwa badan ayaa dhaawacan, isaga ayaa u aabbo ah, isaga u adeera, isaga u suldaan ah, isaga u caaqil ah, culayskooduna iyaga ayuu saaran yahay intii halkaasi ku dhimatayna ALLE ha u naxariisto intii dhaawacantayna  ALLE haw booga dhayo,”

 

Leave a Reply