Waqtiga uu Wesley Fofana Tijaabada Caafimaadka u Marayo Chelsea

0
288

Xiddiga kooxda Leicester City ee Wesley Fofana ayaa ku sii dhawaanaya kooxda chelsea isaga oo isku diyaarinaya in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda chelsea.

Chelsea ayaa 2/1 uga badisay kooxda leicester City sabtidii laakiin xiddiga ayaan ka qayb ahayn kooxdii Leicester City ee la ciyartay chelsea.

Blues ayaa lagu soo waramayaa in ay Leicester City kala heshiisay saxeexa xiddiga reer France kaas oo ay ka dhigayso daafaca ugu qaalisan suuqa.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, Wesley Fofana ayaa saacadaha so socda tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda chelsea.

Blues ayaa xiddiga Wesley Fofana ka bixinaysa lacag dhan 70 milyan oo toos ah iyo lacago gunooyin ah oo kor u dhaafaysa 90 milyan oo euro.

Leave a Reply