Saraakiishii ugu horeysay ee ka socota dadka loo yaqaan Albino oo ku biiray Booliska Malawi

0
265

Booliiska Malawi ayaa soo dhaweeyay laba sarkaal oo ka tirsan dadka qaba albinism-ka ee ka mid noqda booliiska, kuwaas oo noqonaya dadkii ugu horreeyay ee qaba cilladda midabka hidaha ee dhifka ah ee lagu daro Amniga Malawi. Kooxaha xuquuqda ayaa soo dhoweeyey waxaanay shaqaaleysiinta ku sheegeen inay tahay mid gacan ka geystaan ​​dadaallada lagu xakameynayo weerarrada ka dhanka ah dadka albinos-ka, waxay sidoo kale qayb ka tahay soo celinta kalsoonida booliiska oo saraakiisha qaar lagu xidhay weerarradan oo kale.

Hamid Vasco iyo Brenda Mhlanga oo ka soo qalin jabiyay jimcihii tababar lix bilood ayaa lagu soo dhaweeyay shaqada booliiska Isniintii iyada oo ay weheliyaan askar kale oo cusub.

Vasco, oo 25 jir ah, ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu ku biiro booliiska si uu gacan uga geysto joojinta weerarrada ka dhanka ah dadka albinism-ka ee Malawi.

Tira koobka ayaa muujinaya in tan iyo 2014, in ka badan 170 albinos ah lagu weeraray ama lagu dilay Malawi sababtuna waxay dadka beenta ay dadku aaminsan ee ah qaybaha Jidhka dadka Albinos lagu helo nasiib iyo hanti.

Bishii June, Maxkamadda Sare ee Malawi ayaa ku xukuntay sarkaal bilays ah Chikondi Chileka iyo afar kale 30 sano oo xadhig ah oo ay ku jirto shaqo adag, ka dib markii ay ku heshay dambi ah inay ka ganacsanayeen unugyada aadanaha. Qaybaha jidhka ayey ku soo qariyaan alaabta lagu qaado cuntada MacDonald, waxaana uu ahaa nin albinism ah oo la dilay 2018.

Vasco iyo Mhlanga ayaa sidoo kale ah dadka ugu horreeya ee qaba cilladda midabka hidde-sidaha dhifka ah ee ka shaqeeya hay’adda amniga gobolka Malawi.

Ururka dadka albinismka ee Malawi ama APAM, ayaa u ololeeyey in bilaysku ay shaqaaleysiinayaan albinos. Laakiin wakiilka adeegga booliiska Malawi, Peter Kalaya, ayaa sheegay in aanay dadka qaba albinism-ka aanay codsan shaqada booliska

Dadka Albinos waa dad madow ah oo ku dhashay midab cad, waana dadka Soomalidu u taqaano in ay BARAS qabaan, way tiro yar yihiin laakiin wadamada ay ku nool yihiin waa laga ugaadhsadaa waxaana la iibiyaa Hilibkooda iyada oo la rumaysan yahay in lagu Hodmayo.

Leave a Reply