Hargeysa:  Nin Geeriyooday kadib markii uu dab is qabad siiyay

0
192

Hargeysa (Dawan)  – Nin ayaa ku dhintay xaafada Jigjiga-yar ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu dab is qabadsiiyay, sida Ciidanka Dab-damiska Somaliland sheegay.

“Alle haw naxariistee waxaa maanta abaaro 1:00 duhurnimo ku Geeriyooday xaafada Jigjiga yar nin lagu magacaabo Axmed Nuur Sheekh Muumin, marxuumkaasi oo dab is qabadsiiyay” ayaa lagu yidhi warbixinta dab-damiska.

Dab-damisku waxay sheegeen in ninka dhintay oo qabay xannuunka dhimirka, isla markaana ka yimid qurbaha, uu isku soo xidhay guri uu ka daganaa xaafada Jigjiga-yar ee magaalada Hargeysa, kadibna uu dab is qabadsiiyay.

Lama oga sababta keentay in Muumin uu is gubo, waxaana dhacdadan baadhisteeda gacanta ku haya, ciidamada booliiska iyo ciidanka dambi-baadhiska ee CID-da, sida dab-damisku sheegay.

Ciidanka dabdamiska ayaa warbixintooda ugu danbayn bulshada ugaga digaya in aan carruurta iyo dadka maskaxda ka jiran lagaga tagin guri cidlo ah.

Leave a Reply