Nuxurka kulan dhexmaray Wasiir Godane iyo  madaxa hay’adda ACTED

0
273

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda shaqo’gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland, mudane Mustafe Maxamed Cali Godane, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley madaxa hay’adda ACTED ee Somaliland iyo Geeska Afrika  Mr. Rami N.Nicola Al Natour.

Kulankan ayaa waxa wasiirka ku wehelinayay wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud iyo qaar ka mida agaasime waaxeedyada.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd dardargelinta wada shaqaynta hay’adda ACTED iyo sidii kor loogu qaadilahaa barnaamijyada taabo galinta ee bulshada looga faa’idaynayo.

 

Leave a Reply