Roob nageeyay Bulshada Gobolka Daadmadheedh iyo degaanada hoos yimaada oo halkaas ka Da’ay

0
311

Oodweyne (Dawan)  Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay degaanada gobolka Daad-madheedh oo abaar baad iyo biyo la’aan sababtay ay ka jirtay.

Degaanada uu roobku maasheeyay waxa ka mida,  Hara-sheekh, Xidh’xidh, Beerato, Habaasweyn, Balli’dalab, Geel’didis, Ku’horjoog, Cabdi’faarax, Cawad’gawle, Xirsi,yoonis, Qar’waraabe, Ina Idifle, Ina Cadami, Magaalo’nuura, Waraabe’salaan, Abaar’caanole iyo degaano kale.

Degaanadan ayaa ayay ka jirtay abaar ay dad iyo xoolaba degaano kale uga naq doonteen meelo ay dhawaan roobab aan badnayni ka da’een.

Di’ista roobkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay bulshadu wadnaha farta ku hayeen, isla markaana ay abaarta jirta maalinba maalinta ka danbaysa ka sii daraysay.

Leave a Reply