Illaalinta Qiimaha Dumarka

0
722

Weedha iyo hadalkaagu waa in uu mar kasta noqda mid Aduunka iyo Akhiroba waxtar ku leh. Carrabku maaha laf  adag, waa cad jilicsan, haddana ummado dhan ayuu halaagay. Noloshuna maaha wax kale ee waa qiso gaaban oo bilow leh isla markiiba dhamaanaysa. Haddana waxa ka danbeeya Xisaab… abaal marin… iyo ciqaab… Haddaba noloshaada u adeegso Allah (sw) cabsidiisa iyo sida aad ugu xidhnaan lahayd. Wakhtigaasi ayaad noqon kan dadka ugu akhlaaq wanaagsan.

Nin ayaa koox rag oo asxaabtiisa ah u yimi waxaana uu ku yidhi “ Sideed u aragtaan Gabadha”? . Anigu waxaan u arkaa in ay tahay Kabaha oo kale, oo haddii ay kabtu ku leekaan weydo aad iska bedeli karto, ilaa inta aad ka helayso mid ku leeg.

Raggii ayaa is wada eegay iyagoo la yaaban  hadalka saaxiibkood, nin caqli badan oo la fadhiyay ayay weydiiyeen sida uu arko weedha ninkan.

Ninka xakiimka ayaa ku jawaabay :” Ninkani run ayuu sheegay, gabadhu kab ayay u tahay kan u arka naftiisa in ay hoosayso oo ay tahay lugo. Waxaana ay taaj u tahay ka naftiisa u arka in uu yahay boqor. Hala yaabina ninkan waxa uu idiin sheegay heerka naftiisu joogto.  Hamiga sare yeelo.  Waxa i dhashay oo wax I bartay gabadh, waana aan guursaday, markaa side ayaanan u tixgelinayn?

Leave a Reply