Tabobarka Shahaadada Aqoonsiga Macallinimo oo loo Furay Tabobareyaasha Kooxaha Gobolka Togdheer

0
160

Tabobarka macalimiinta xidhiidhka kubadda cagta gobalka Togdheer ayaa ka furmay magaalada Burco.

Tabobarkan oo socon doona mudo shan cisho ah ayaa waxaa iska kaashanaya xidhiidhka kubadda cagta Somaliland & wasaarada dhalinyarada & ciyaaryaha waxayna tabobareyaasha dhamaysan doonaa ay qaadanayaan shahaadada xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ee loo yaqaano (SLFF Level One Football Coaching Certificate).

Tabobarka macallimiinta loo carbinayo tabobarenimada kubadda cagta ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka qabsoomay gobollada kala duwan ee Somaliland, waxaana la xaqiijinayay aqoonta tabobarenimo ee macalimiinta hogaamiya kooxaha kala duwan ee ka dhisan gobollada iyo degmooyinka guud ahaan dalka.

Todobaadkii hore waxa la soo gunnaanaday oo ay xidhiidhka kubadda cagta Somaliland shahaadaddii aqoonsiga macallinimo ku siiyeen tabobareyaasha kooxaha kala duwan ee ka dhisan gobolka Saaxil, isla markaana waxa ka sii horeeyay gobollada Marood-jeex, Awdal iyo Gabiley.

Leave a Reply