Tartanka Xidhiidhka Kubadda Cagta: Kooxda Gaashaan ayaa 3-1 ugu Awood Sheegatay D.H.H

0
270

Ciyaar aad u xiiso badan oo dhexmartay kooxaha D.H.H iyo Gaashaan, ciyaartan oo ka mid ahayd tartanka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ee kooxaha heerka koowaad ee caasimadda Hargeysa.

Qaybtii hore ee ciyaartan oo ku bilaabantay dardar ay labadda kooxoodba lasoo galeen garoonka, balse daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta gacata sare haysatay kooxda Gaashaan FC oo weerar badan ku qaaday dhanka goolka kooxda D.H.H, taasoo sababtay in daqiiqadii 7aad ay hesho kooxaga Gaashaan gool ku-laad, isla markaana uu u dhaliyay oo uu u xaqiijiyay ciyaaryahan Yaasiin Cadaani, iyadoo ciyaarta hogaankeeda ay la wareegeen.

Isla qaybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 17aad waxa kaadhka cas qaatay ciyaartoy ka tirsan kooxda D.H.H, kaasoo lagu magacaabo Sharma’arke waxaanu tabobare Diridhaba kula ciyaaray 10 ciyaartoy kooxda gaashaan.

Daqiiqadii 20aad ee qaybtii hore ee ciyaarta waxa goolka barbardhaca keentay kooxda dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa, kaasoo uu gool qurux badan u dhaliyay laacibka Mahad Nayl, waxaanay ciyaartu noqotay 1-1.

Daqiiqadii 25aad ee isla qaybtii hore ee ciyaarta ayay kooxda Gaashaan soo ceshatay hogaankii ciyaarta, waxaana gool u xaqiijiyay laacibka lagu magacaabo Cabdilaahi Carlo oo qaata lambarka 17aad.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa waxa dardar hor leh garoonka lasoo gashay kooxda Gaashaan oo hogaankeedii sii dheeraysatay, kadib markii ciyaartoyga Ganto uu u dhaliyay goolkii 3aad, taasoo kooxda D.H.H ku noqotay quus goyn.

Qaybtii dambe ee ciyaarta isku day badan oo ay sameeyeen kooxda D.H.H oo ku dedaashay inay soo taabato shabagga kooxda Gaashaan ayaanay u suurogelin, inkastooy ku ciyaarayeen 10 ciyaaryahan, kadib markii laacibka lagu magacaabo Sharma’arke uu qaatay kaadhka cas qaybtii hore ee ciyaarta, waxaanay ku idlaatay 3-1 ay kooxda Gaashaan ku carraabisay kooxda D.H.H.

Leave a Reply