Xafladda Xidhitaanka Tartanka Qiraa’ada Qur’aanka oo Hargeysa lagu Qabtay

0
371

Hargeysa-(Dawan):-Xafladda xidhitaanka Tartanka Qiraa’ada Quraanka ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Hargeysa.

Tartankan Qiraa’ada Quraanka oo muddo ka socday magaalada hargeysa, kana soo qeybgaleen dhallinyaro wiilal iyo hablo ah oo ka kala yimi daafaha dunnida.

Munaasibada xidhitaanka oo kummanaan dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa, rag iyo dumar ka soo qeybgaleen oo culimo kala duwan hadalo ka jeediyeen ayey dhamaantood ka waramay faa’iidada dalka iyo dadka Somaliland ugu jirta in lagu camiro barashada Quraanka Kariimka.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo hadal ka jeediyey ayaa u duceeyey dhammaan intii ka qeybqaadatay qabsoomida tartanka Quraanka waxaanu yidhi,

“Guul iyo faan ayey inoo tahay in dalkeena lagu qabto tartamada noocan oo kale, ILLAAHAY ha inoo joogteeyo, si barakadiisa aynu u helno.”

Sheekh Dirir ayaa sheegay in bulshada dhexdeeda lagu qabto tartamada Quraanka u soo bixi doonaan jiilal ehel u ah cilmiga diinta iyo quraanka.

Waxuu ugu baaqay Waalidka, Madaxda iyo dadka wanaagsan in qof  waliba kaalintiisa kaga qeybqaato arrin iyo adduun dhiirigelinta tartamada Quraanka kariimka.

Sheekh Maxamed Adan Muxumed oo ka hadlay munaasibada ayaa sheegay in tartankii ugu horreeyey ee Quraanka Hargeysa laga bilaabay sannadkii 1992-kii oo culimadii bilowday ay  ka mid ahaayeen Sheekh Dirir iyo Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan oo abaalweyn uu ugu hayo kuna dhiirri geliyay in uu Quraanka xifdiyo.

Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi oo hadal ka jeediyey ayaa ammaanay dhallinyarada da’yarta ah ee ku tartamayey 10-ka nooc ee Quraanka kariimka ah loo akhriyo, oo uu sheegay inay fursad weyn tahay oo u baahan in la joogteeyo, si caalamku ugu deydo, kheyrkeedana dalka iyo dadka Somaliland u helaan, idam ALLE.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani oo munaasibadda ka hadlay ayaa ammaan u soo jeediyey dhamaan intii ka qeybgashay iyo intii soo qabanqaabisay, isla markaana sheegay in xukuumaddu marwalba soo dhoweynayso culimada iyo tartamada Quraanka kariimka, oo dhiirigelinayso isla markaana weyneynayso ashacaarta diinta Islaamka.

Leave a Reply