Erdogan oo ku eedeeyey Giriiga inuu qabsatay jasiirado militariga ka caaggan

0
260

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Sabtidii ku eedeeyay dalka Giriigga in uu qabsaday jasiirado ku yaal badda Aegean kuwaasi oo ka caaggan militariga, waxaana uu sheegay in Turkigu uu diyaar u yahay in uu sameeyo “waxa lagama maarmaanka ah” marka uu waqtigaasi yimaado, sida uu hadalka u dhigay.

Turkiga iyo Giriigga oo aad u loollama, islamarkaana ka wada tirsan isbahaysiga NATO ayaa isku haya arrimo ka bilaabanaya duulimaadyada aagga lagu muransan yahay, maqaamka jasiiradaha Aegean ilaa xuduudaha badda iyo kheyraadka hydrocarbon ee badda Mediterranean, iyo sidoo kale qeybinta qowmiyadda ku saleysan ee Qubrus.

Ankara ayaa dhowaan ku eedeysay Athens in ay hubeyneyso jasiiradaha Aegean-ka ee militariga ka caaggan, iyada oo Athens ay eeddaasi iska fogeysay, laakin Erdogan ayaan kol hore Greece ku eedeyn in ay jasiiradaha qabsatay.

“Qabsashadaada jasiiradaha nama celin doonto. Marka wakhtiga, iyo saacaddu yimaadaan, waxaan samayn doonaa waxa loo baahan yahay,” ayuu Erdogan yidhi mar uu hadal ka jeedinayay gobolka koonfureed ee Samsun.

Greece ayaa jawaab ka bixisay eeddan ka timid Turkiga waxaana ay sheegtay in aanay raaci doonin hadallada iyo eedaha aadka looga xumaado ee markasta ka soo yeeraya Turkiga.

 

Leave a Reply