Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa maanta kulan qado sharafeed ah la yeeshay qurba-joogta laamaha dibedda ee xisbiga ee waqtigan ku sugan dalka.

0
284
Kulanka oo ka dhacay huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeennada 2aad iyo 3aad – Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Xuseen Aadan Cadde, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Faysal Cabdiraxmaan Madar, Afhayeenka Xisbiga Md. Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), Xoghayaha Garabka Haweenka heer Qaran Marwo Sahra Saleebaan Cawil, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), siyaasiyiin ka tiran Guddiga Fulinta xisbiga oo ay ka mid yihiin; Cabdicasiis Maxamed Samaale, Axmed Nuur Faahiye iyo Cabdiraxmaan Soltelco iyo weliba xubno ka tirsan Garabka Haweenka Xisbiga, kuwaas oo casuumad qado ah ku qaabilay qurba-joog isugu jiray masuuliyiin iyo taageerayaasha qaar ka mid ah laamaha dibedda uu ku leeyahay xisbiga KULMIYE ee xilligan ku sugan dalka Somaliland.
Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd is-xog-waraysi iyo dardargelinta hawlaha xisbiga KULMIYE, waxa qaar ka mid ah madaxda xisbigu qurba-joogta siiyeen warbixinno ku saabsan guud ahaan xaaladda dalka, hawlaha doorashooyinka iyo qorshayaasha xisbigu ugu diyaargaroobayo tartanka doorashooyinka ururrada iyo axsaabta siyaasadda iyo ta madaxtooyada dalka.
Gunnaanadkii kulankaasi, waxa loo ballamay in shirar kale la isugu yimaado oo halkaa laga sii wado doodaha iyo hawlaha dardargelinta xisbiga KULMIYE.

Leave a Reply