Masuuliyiinta Baanka dhexe oo tababar u soo xidhay madax-qaybeedyada iyo maamuleyaasha laamaha

0
138

Isniin-September 05, 2022(Dawan) Tababarka Maamulka iyo Hogaaminta oo socsa 4 ilaa 5 September 2022, ayaa loo soo gabagabeeyey masuuliyiinta qaybaha iyo waaxyaha Baanka dhexe.
Guddoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka iyo agaasimaha ee Baanka dhexe ayaa ka qaybgalay munaasibada lagu soo xidhay tababarka.

Baanka Somaliland waxa ka go’an kor-u-qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Baanka. Isaga oo ka duulaya ujeeddadaa guud, waxa Baanka Somaliland u qabtay tababar laba maalmood soconaayey maamulayasha laamaha Baanka ee Hargeysa, Agaasimayaasha Waaxyaha Baanka iyo ku-xigeennadooda. Mustaqbalka dhaw, waxa isla tababarkan la siin doonayaa iyagana maamulayaasha laamaha Baanka ee goballada dalka oo dhan. Tababarka oo ahaa mid heerkiisu sarreeyay, waxa uu ku saabsanaa Maaraynta & Hoggaaminta.

Mawduucyada tababarkan lagu Lafa-guray waxa ka mid ahaa maaraynta sida qorshaynta hawlaha, isku-dubbaridka shaqada, fulinta iyo xakamaynta shaqada.

Sidoo kale waxa tabababarku xoogga saaray ahmiyadda ay leedahay wada-shaqaynta iyo iskaashiga shaqaalaha iyo maamulkoodu, kor-u-qaadista tayada adeegyada Baanka u qabto dawladda iyo dadweynaha, iyo muhiimadda ay leedahay in si hufan looga faa’idaysto khayraadka muruq iyo maaliyad ba leh ee Baanka.

Waxa kale oo tababarku si faahfaahsan u iftiimiyey tilmaamaha iyo astaamaha hoggaaminta iyo sida ay ugu kala habboon yihiin xaaladaha kala duwan iyo duruufaha hadba soo wajaha hay’adaha, ganacsiyada iyo ururrada.

Waxa iyana tababarku dul istaagay sida uu lama huraanka u yahay helitaanka hannaan lagu wada xidhiidho oo wax-ku-ool ah.

Tababarka waxa si rasmi ah ugu soo xidhay ka qayb galayaasha Guddoomiyaha Baanka Somaliland Md. Dr. Cali Cabdilaahi Daahir isaga oo kula dardaarmay shaqaalaha in ay goobahooda shaqo ku dabaqaan aqoontii ay ka heleen tababarkan. Waxa kale oo Guddoomiyahu ballan qaaday in la joogtayn doono tababaraddda noocan oo kale ah.
Tababarkan waxa fulisay shirkadda Geed Consulting.

Leave a Reply