Wakhtiga Geeridiisa Qofna Ma Oga?!

0
435

Dalka Brasil bishii Feberweri sanadkii 2013, nin ka tirsan qoysaska saboolka ah oo magaciisu ahaa Jao Maria de Souza, ayaa isagoo gurigiisa hurda goor habeenimo ah uu saqafka sare kaga soo dhacay neef  Sac ah oo aad u xoog weyn.

Gurigiisa oo cariisha ahaa ayuu  dusha sare fuulay neefkaasi, iyadoo aan ilaa wakhtigan la garan sida uu koray Sacaasi saqafka sare ee cariishka. Waxa loo malaynaya inuu ka fuulay kaabad guriga dhiniciisa debedda ah ku taallay.

 Neefka Saca ah ayaa la sheegay in markii uu dul maryay meel ku began sariirta uu ku hurday Mr.Jao, uu la soo go’ay saqafku isla markaa uu ku fadhiistay Jao Maria, isagoo isla markiiba goobta ku dhintay.

Sida lagu daabacay bogga telegraph.co.uk, gabadhiisa ayaan iyada waxyeelo soo gaadhin. Neefkaasi ayaa ka soo baxsaday xero xoolaad u dhowayd gurigiisa , waxaana la cadeeyay in uu culayskiisu dhamaa hal ton iyo badh ama 1500 Kg.  Qoyskiisa ayaa ku dooday in aan shilkaasi la aqbali Karin oo ay tahay in la baadho. Mulkiilaha ayaa lagu qaaday kiiska ah dil aan u kas ahayn.

Leave a Reply