Magaalada Hargeysa oo laga bilaabay Qalinjabi oo Geed-beer

0
304

Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda degaanka iyo isbadelka cimilada, dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, ururka Sefa iyo qaar ka mida ardayda ka qalinbinaysa Jaamacada Gollis ayaa saaka Dooxa weyne Hargeysa ka bilaabay barmaamij ay ugu nagacdareen  qalin jebi oo  (Geedbeer).

Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa ayay ka bilaabeen beerista 500 oo geedka Gobka ah.

Inta uu geedkani baxayo waxa ilaalintiisa kaalin weyn ka qaadanaysa dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa.

Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in geedkan Gobka ee beeristiisa maanta la bilaabay barri uu wax weyn ka tari doono soo dhaweynta dadka martida ku ah magaalada, oo uu sheegay in manaafacaad iyo hadhba ay ka da’yi doonaan.

Waxaanu yidhi.“Geedkii Gobka Garanwaa ayaa baddelay, marka Geedka Garanwaga la yidhaaha waxa uu u baahan yahay in aynu dabargoyno, halka aynu ka jarnana waxa loo baahanyahay in geedka Gobka oo faa’iido badna inoo leh aynu ka beerano.

Waddanku waa wada Gob, geedkan Gobka la yidhaahdana dhir kuma jiro, geedkaasi oo baxay in uu hoostiisa nabad ku seexdo, midhaha gobkee iska daatay iska cuno, biyaha dooxana oo nadiif ahna iska cabo, waxa hubaal ah marka qofkii gaajadii waa ay ka baxday, waxaana iman doonta qofka maanta magaalada Hargeysa martida ku ahi in Geedka Gobka ee aynu beerayno iska hoos seexdo, oo taasi nabad sheegto, Gobka iyo midhaha uu ka gurtaana ay gaajo tiraan, biyaha uu ka cabana ay noqdaan biyo nadiif ah, dharkana haddii uu u baahdo uu ku maydho, inta dharku u qalalayaana uu iska midha midhaysto Gobka bislaaday”

Somaliland taariikhda waa markii u horraysay ee arday sidan isu xilqaatay ay ku dhiiratay beerista geedka.

Leave a Reply