Khayraadka kala duwan ee ka Buuxa Badaha Somaliland

0
483

Akhriste ma ogtahay in baddeenu ay dhumuc ahaan ku fidsan tahay ilaa sabarka kale xeebta Yaman, mana jiro wax ah shuruuc adag oo xaddidaya inay kalluumaysatadeenu gaadhaan xeebaha degaannada Soomaaliyeed ee inaga xiga hareeraha.

Hay’ddaha caalamiga ah ee culuumta iyo khayraadka baddaha ku xeel dheeri cilmi baadhis ay sameeyeed waxay caddeeyeen in xeebteenna laga heli karo kalluun badan oo noqon kara mid loo isticmaalo nolol maalmeedka (artisinal fishing) iyo qaar geli kara wershadayn (industiral fishing).

Arrinta kalluumaysigu waxay u baahan tahay in horta xeebta deegaan ahaan la berriinsado,
cunida kalluunkana la caadaysto, lana soo celiyo dhaqankii ahaa in kalluunka xeebta dhow loo adeegsado qalabkii fududaa ee huudhiyada ee ay ku fillayd awoodda farsamo-yaqaanka deegaaanku.

Marka heerkaas lagu fillaado waxaa loo gudbi karaa kaalinta kaluumaysiga badda fog oo geli karta ganacsi iyo wershedayn, taasoo u baahan iskaashi gudaha iyo dibaddaba ah iyo suuq laga iibiyo, waxaana jirta in waxa kalluunka la yidhaadaa aanu suuq waayi karin dibad iyo gudo midnaba, balse loo baahan yahay ku dhiirrasho iyo adkaysi.

Cilmi baadhistaasi waxa kale oo ay tibaaxaysaa inay baddeenna ku badan tahay macdanta loo yaqaan birta iyo jaandigu oo adduunka qiima weyn ka leh.

Haddaba bulshada yar iyo waayeelba waxay cilmi baadhistu ku boorinaysaa inay ka faa’iidaystaan khayraadka ku duugan baddeena iyo in lagaga baxo baahida cunto ee ay dadkeenu ku sugan yihiin oo ay isku filnaansho ku gaadhaan khayraadkaas.

Leave a Reply