Wasiir Sacad oo Daahfuray Dooda iyo falanqaynta Miisaaniyada 2023-ka ee wasaaradda maaliyadda iyo hay’addaha dawladda  

0
264

Hargeysa (Dawan)   Wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland iyada oo ku guda jirta, isla markaana  raacaysana geedi socodka diyaarinta Miisaaniyadda 2023-ka, waxay si rasmi ah   u bilowdey wada xaajoodka iyo falanqeynta Miisaaniyadda 2023-ka ee  wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda.

Falanqaynta dooda miisaaniyada 2023 oo socon doonta muddo lix maalmooda waxa furay wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire , waxaana goob joog ka ahaa masuuliyiinta sar sare ee wasaaraddaasi iyo hay’addaaha kala duwan ee ay khusayso doodani oo diifaacan doona, iyaga oo u kala hore sida jadwalka loo diyaariyay ay ugu qoran yihiin.

Geesta kale waxaa sannadihii u danbeeyay lagu hawlana diyaarinta nidaamka casriga ah ee maaraynta xogta maaliyada dawladda Somaliland ee loo qayaano  (SLFMIS), iyadoo la sugayo xogaha maaliyadda qaranka, isla markaana lagu sargoynayo buuga miisaaniyadda ee 2023-ka oo ay ka muuqan doonaan baahiyaha iyo adeegyadda aas-aasiga ah.

Wada xaajoodkaas  iyo falanqeyntaas ayaa waxa aasaas looga dhigay qodobadda ku xusan Siyaasadda Miisaaniyadda 2023, ee ay sargooyeen Gudidda Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranku.

Odoroska miisaaniyadeedka   dawladda ee sannadka 2023-ka ayaa ah mid dhamaystiran, kaas oo ay ka muuqan doonaan dhamaan tafaasiisha miisaaniyaddaas hay’addaha madaxa bannaan sida wakaaladaha biyaha degmooyinka Hargeysa, Boorama, Burco, Gabiley, Berbera, Madbacada Qaranka, Baanka Dhexe, Dekeda Berbera, iyo haamaha Shidaalka Berbera, miisaaniyada 11-ka ka mida dawladaha hoose ee dalka, iyo waliba deeqaha debedaha inaga soo gala.

 

Leave a Reply