WEEDHA WARGEYSKA Tudhaale la’aanta Mucaaridka ee Dalka iyo Dadka

0
174

Somaliland waxay ku caano maashay oo ku soo gaadhay halka ay marayso waa nabad gelyo meel looga soo wada jeeday jiritaankeeda iyo wax wada lahaanshaheeda.

Waxaanu dalku soo maray marxalado kala duwan oo ka adag kuwa muranka sharci ee xilligan ka dhex jira xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaridka.

Waxaana daka soo martay in Musharax Madaxweyne oo tarmay in lagu yidhi ‘waad heshay oo annaga ayaa kaa qaadnay’, oo aanu hadal ka soo celin isla markaana ka horraysiiyay wax kasta nabad gelyada dalka iyo wada jirka qaranka Somaliland.

Haddaa maanta waxaa soo baxay mucaarid aan tudhaale u haynin qaranka Somaliland iyo dadkiisa mid naba, isla markaana damacooda siyaasadeed doonaya in ay ku gaadhaan dhiigga shacabka tabaalaysan duruufaha nololeed ee  is biirsaday isku raaceen, abaar, sicir barar, suuqii dalka ugu waynaa ee Waaheen oo gubtay iyo arrimo badan oo kale.

Waxaa laga wada dheregsan yahay qasaarihii naf iyo maalba lahaa ee dalka ka soo gaadhay muddaharaadyadii kala dambeeyay ee xisbiyada Mucaaridku si sharci darro ah dalka uga abaabuleen, isla markaana shacabka Somaliland iyo ciidamda dawladdaba ay ka soo gaadheen qasaare aan loo baahnayn iyo dhimasho iyo dhaawac ba leh.

Madaxda labada xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID iyagoo ka wabinaya in ay u hoggaansamaan sharciyadda dalka oo ay ka qayb galaan doorashada ururada siyaasadda iyo xisbiyada qaranka isla markaa ay iimaansadaan  haddii ay ku soo baxaan iyo haddii ay ku hadhaan baa, ayay ka door bideen in ay taa bedelkeeda qaadaan tallaabooyin waxyeello ku ah qarannimada Somaliland iyo ammaanka guud ee dalka.

Waxaan wada ognahay dhibaatada dhimasho iyo dhaawac ba leh ee ka soo gaadhay qaranka Somaliland muddaharaadadii sharci darada ahaa ee ay dalka sameeyeen labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID  maalmihii kala ahaa 09,06,22 iyo 11,08,22 kuwaaso oo qasaaraha ka dhashay lagu waayay dad dhallinyaro ah oo qarankooda u soo kacayay sababteeda iyo masuuliaddeedana ay lahaayeen mucaaridku.

Mar kale in ay muddaharaad sharci darro ah oo ammaanka dalka lagu khal-khal gelinayo in ay ku baaqaan waa tudhaale la’aanta mucaaridka ee qaranka Somaliland iyo ku tumashada sharciyo iyo kala dambaynta iyo u hoggaansanaanta shuruucda iyo xeerarka dalka.

Mucaaridka waxaa looga baahnaaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka doorashada ururada iyo asxaabta Qaranka, isla markaana dadka ay ku kasbadaan siyaasad cad iyo dariiq waxqabad oo u jeexan laakiin waxa cad in aanay lahayn hadaf siyaasadeed oo ay ummadda ku kasban karaan taa bedelkeedana waxay ka dhigeen in ay carruunta da’da yar ka dhex qayliyaan oo ay guryaha ka soo saaraan isla  markaana iska hor keenaan ciidamada ammaanka iyo dhallinyaro aan ujeedo lahayn oo wax kasta bur burinaya,taasina waa dhaqan xun oo ku soo kordhay saaxadda siyaasadda Somaliland in cid sharci darro ku socota ay adeegsato maato iyo carruur.

Haddaba waxaa habboon in waalidiintu ay ka digtoonaadaan tudhaale la’aanta mucaaridka aan ujeedo Qaran lahayn ee ku baaqay muddahaaraadyo sharciyadda dalka baalmarsan ubadkoodana ka xakameeyaan weedhaha mucaaridka ee rabshad abuurka ah.

Haddii ay dan qaran wadaan mucaaridku waxaynu arki lahayn iyago ka hadlaya xaaladda abaarta dalka ka jirta ama in uun gurmad naf hurid ah kaga qayb qaadanaya laakiin taladoodu waxay noqotay oo keliya Muddaharaad, Muddahaad, Muddaharaad iyo doorasho dooni mayno, haddaba dalku uma baahna khal khal nabadgelyo darro iyo in dhallinyarada hooyadii dhashay tamaandhada kaga soo saartay jaamacadaha dalka in ay u adeegsadaan dano gaar ah ooo ay iyagu leeyihiin.

 

Leave a Reply