Dhibataatada Caalamka Iyo Khurafaadka!

0
281

Labada eray ee khuraafaad iyo aqoon waxay ka mid yihiin is diiddooyinka ugu waawayn ee caalamka ka jira. Labadooda mid haddii la waayo midka kale ayaa jira.

Erayga khuraafaad waa ka fogaanshaha xaqiiqda, waa rumaynta fikrad aan waaqaca la jaan qaadi karin, waana keenidda xal aan caqli ku fadhiyin.  Dadka aamisan khuraafaadka in caalamka dahsoon uu ka saamayn badan yahay kan muuqda. Islaamkuna qofka waxa uu baray xaqiiqda nolosha iyo in aan la baqan Allah (sw) mooyee wax kale.

Halka Dadka Khurafaadka aaminsani ay nolosha u aaneeyaan quruumo hoose oo awood leh inay saamayn ku leeyihiin nolosha, guusha iyo caafimaadkaba dadkaba..

Bishii November 18 sanadkii 1978, dalka Maraykanka waxa ka dhacday arrin caalamka guud ahaan ka argagaxay.  Waxa mar keliya isku goob iyo isku wakhti isku dilay 912 qof oo ay 276 ka mid ahi ahaayeen caruurtii ay dhaleen.

Dadkan is xasuuqay ayaa noqday isdilkii ugu weyn iyo dhimashadii ugu ballaadhnayd ee ka dhacda dalka Maraykanka maalin keliya, ka hor intii ka horaysay qaraxii labada Daarod ee 2001-dii.

Dadkan is dilay ayaa markii hore sun siiyay caruurtoodi ka diban iyaga ayaa si guud  (jamaaci) u cabay suntaasi iyagoo isugu shushubay,  si ay mar keliya u wada dhintaan.

 

Dadkan ayaa ka mid ahaa Koox uu asaasay Jeem Joson  sanadkii 1956 oo loo yaqaanay Macabadkii shacabka. Joson ayaa Taageerayaashiisa maalintaasi ugu khudbadeeyeey inay  is dilaan si ay uga nabad galaan sharka u soo socda oo ah in Dayuuradaha Maraykan iyo ciidankooduba ay baabiin doonaan iyagoo ka cadhaysan madahabta cusub ee ay qaateen. Dadkaasi ayaa rumaystay khurafaadka ninkaasi u sheegay

Ninkan ayaa aad u aaminsanaa shuuciyadda si weyn u dhaliili jiray nidaamka Hantigoosadka. Isagu ma cabin suntan laakiin  isla maalintaasi ayaa rasaas dilay..

 

Sanadadii 60-70-kii ayay bulshooyinka caalaamku u baahdeen is bedel dhaqan dhaqaale inuu dunida ka hana qaado iyagoo ku xiiqay nidaamka Hantigoosadka ah , taasi ayuu ka faa’idaystay Joson. Dadka u badan ee taageeray Madahabtiisan shaydaanka ah waxay ahaayeen Dhalinyaradii cadaanka ahayd iyo dabaqadii dhexe oo si weyn uga cadhaysnaa nidaamka Hantigoosadka ah ee keli noolaha  iyo danaysiga ku dhisan.

Sanadkii 1965  isagoo ay la socdaan 100 taageraayaashiisa ah ayay tegeen Calforina halkaasi oo ay ka fureen xarun ay leeyihiin.

Iyadoo wakhtigan ay ka danbaysay 41 sano ayaanay weli ka bixin xusuusta Maraykan iyo caalamkaba dhacdadani. Tani ayaa Tusaale u ah marka dadku aaminaan khurafaad isla markaan aanay helin Diin ku hagta xaqiiqda nolosha dunida iyo Aakhriba

Leave a Reply