Xikmadaha

0
394
  • Dadka aqoonta lihi waxay ka fadilan yihiin dadka jaahiliinta ah sida qofka dhintay iyo qofka nooli u kala duwan yihiin.
  • Qofka naftiisa ka waabiya wixii ay jeceshay wuu ka adag yahay qof jebiyey cadawgiisa, waayo guul waxaa ugu saraysa adigoo naftaada ka adkaada,
  • Markaad mar walba naftaada ka dhaadhiciso inaad saxan tahay ogow waa marka aad khaldan tahay.
  • Markad hawada neefsanayso dadkoo dhamina waa kula wadaagaan,
  • Waxa aanad shaqo ku lahayn oo aad gashaa waa adigoo galay dagaal aanad hub sidan.
  • Geedka midhaha badan, dad badan ayaa hareero taagan.
  • Marka ay dhamaato rajadu xanuunkaa iyo werwerka ayaa bilaabma
  • Ku dedaal inaad gasho albaabka furayaasha badan leh.
  • Garaacida badani quraarada way burburisaa laakiin xadiidka way qurxisaa.
  • Ka fagow wax yar qofka cadhada badan, ka aamusana weligaa
  • Kelmada runta ahi  maaha leeb laakiin waxay jeexdaa  xaqiiqada.

 

 

Leave a Reply