Haku Mashquulin Ceebaha Dadka Kale!

0
597

Denbiyada waxa asal u ah oo keena Kibirka waana kan Ibliis naarta geliyay, Jacaylka Mansabka iyo Nolosha Aduunyada waa kan Fircoon ku halaagsamay. Xasadku isna waa kan ku kelifay in wiilka Nebi Adam Dhalay ee Qabiil uu dilo walaalkii  (Habiil).

Caalamadaha liibaanta iyo nolosha wanaagsan waxa ka mid ah : Mar kasta oo adoonka u korodho cilmi waxa u kordha tawaaduc iyo is dhul dhig iyo kibirka oo uu fogaado.  Mar kasta oo u kordho aduunyona waxa bata taxadarkiisa iyo cabsidiisa uu Allah (sw) ka baqanayo, mar kasta oo ay u kordho sharaf iyo derejona waxa u siyaada usii dhowaanashaha uu dadka usii dhowaanayo iyo buuxinta baahiyahooda.

Wanaag waxa helay qofka kaga mashquula ceebihiisa , ceebaha  dadka kale. Waxaana jabay kan ilooba ceebihiisa oo u banbaxa sheegidda ceebaha dadka kale.

Leave a Reply