Maalmaha Iyo Tirooyinka Laga Cabsado!

0
408

Dad badan ayaa dunida isku xidha nasiibkooda iyo tirooyinka nambarada ah, kuwaasi oo qaarkood belaayo ka saadaaliya, qaarkoodna khayr ka rejeeya.

Dadka Shiinaha badankooda ayaa belaayo u arka tirada Afar, waxaana sabab u ah iyadoo dhowaaqa tirada Afar iyo dhowaaqa erayga dhimasho ay is shabahaan luqadda Shiinaha. Sidaas awgeedna dadka Shiinuhu ma jecla inay degaan guryaha dabaqa afraad iyago weliba ka cabsada dhamaan wixii tirada afar xidhiidh la leh.

Dalka Talyaaniga ayay dadkiisu isagana cabsi badan ka qaba tirada 17 , taasi oo ay sabab u tahay iyadoo marka dhinaca foorarka loo akhriyo tirada 17 luqadda Talyaaniga uu macnaheedu noqdo dhamaadka nolosha. Taasi oo keentay in maalin kasta oo bishu ay tahay 17 ay ku  magacaabaan maalinta geerida. Arimahan oo dhan waxa sabab u ah iyagoo dadkaasi aanay lahayn quluub ku xidhan caqiido adag iyo rumaynta Allah (sw).

Dadka Japan ayaan wax badan ka duwanayn dalalkaasi oo iyaguna cabsi weyn ka qaba tirada sagaal (9) , iyadoo sababtu tahay erayga sagaal iyo erayga jidh dil iyo ciqaab oo isku dhawaaq ah luqadda Japanka kaasi oo ah “Ku” Wxa kale oo ay neceb yihiin tirada 4 oo iyana dhawaaqeedu yahay “shi” oo ah dhimasho.. Waxaana ay u arkaan faal xun tiro kasta oo sagaal ah.

Waxa kale jira in maalamaha Arbacada bishs u danbaysa iyohawlaha guurka ee jimcayaasha ay dad badan u arkaan kuwo aan wanaagsanayn oo aan la safrin, lana guursan. Laakiin dhamaan arimahani waa kuwo ka soo jeeda khurafaad iyo been la faafiyay oo aanay jirin wax haba yaraate dhib iyo dheef ah oo ay wataan maalmaha, bilaha iyo xataa tirooyinka la baasaysto.

Leave a Reply