Golaha Guurtida Somaliland oo muddo xileedkii u kordhiyay madaxweyne Muuse Biixi, iyaguna korodhsaday

0
499

Hargeysa (Dawan) –  Golaha Guurtida Somaliland ayaa 2 sanno ku kordhiyay muddo xileedka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, muddo xileedka golaha ayay sidookale ku kordhiyeen muddo 5 sanno ah.

Golaha ayaa kal fadhi ay saaka ku yeesheen xarunta golaha guurtida ee Hargaysa, cod aqlabiyad ah ku meel mariyay muddo kordhinta madaxweynaha iyo muddo xileedka guurtida.

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, oo ah mudanaha kali ah ee kasoo horjeestay muddo kordhinta, ayaa sheegay in ay ahayd in laga wadatashado “Waxkasta oo yimaada wadatashi ayaa lagu dhamayn jiray, markaa waxan ku diiday waxa weeyaan, wadatashi ayaanay tani lahayn”.

Hadab, kadib khilaaf sababay in doorashadu dib u dhacdo oo muddo u dhexeeyay mucaaradka iyo xukuumada Somaliland, ayay guddida doorashooyinku dhawaan sheegtay in anay doorashada ku qaban karin wakhtigii loo muddeeyay, iyagoo sheegay in ay muddo 9 billood ah ku qaban doonaan, lakiin guurtida ayaa 2 sanno ku kordhiyay.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply