Qoysas danyar ah oo adeeg caafimaad ah oo bilaash ah loogu sameeyay degmada Faraweyne

0
242

Faraweyne (Dawan)  Ururka dhakhaatiirta Carabta ayaa daweyn iyo baadhitaano bilaasha u fidiyay bulshaweynta ku nool degmada Fara-weyne hoos timaada  gobolka Maroodijeex.

Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  oo ku hadlayay afrka ururka dhakhaatiirta Carabta adeeg bixinta caafimaad ee bulshada loo sameeyay.

Guddoomiyaha degmada Faraweyne ayaa sheegay in bilkasta maalinta Jimcaha haddii ILLAAHEY yidhaahdo ay degmada Faraweyne iyo degaanada hoos yimaada ay ka sameyn doonaan adeeg bixin caafimaad oo bilaasha.

Waxaanu yidhi.“Maanta waxa aynu joogna degmada Faraweyne, oo aynu marti ku ahayn iyada oo hawlgal caafimaad ay ururku ka samaynayeen ururka Dhakhaatiirta Carabta ee Masar, marka reer Faraweyne aanu samaynay, ma noqon doonto markii koobaad ee aanu adeeg bixin caafimaad oo bilaasha u sameyn doono bulshada degmadan iyo degaanada hoos yimaada marar kala duwana waanu idiin iman doona.

Guddoomiyaha degmada Faraweyne Cabdiraxmaan Aadan  ayaa uga mahadceliyay adeeg bixintan caafimaad ee bulshada degmada Faraweyne u sameeyeen.

Waxaanu yidhi. “Hawshaas aad maanta noo fuliseen ee ay u  baahnaayeen bulshada reer Faraweyne ee ka faa’idaysteen bulsho gaadhaysa laba boqol oo qof, waxaanu leenahay ILLAAHEY miisaanka xasanaadka haydiinku daro, oo dhakhaatiirta aadbaanu uga mahadnaqaynaa, markii koobaadna noqonmayso, mar labaad mar saddexaad iyo mar afraadba way soo noqon doonaan.

Waxa ay inoo sheegeen in ay bilkasta inoo iman doonaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo, bil walbana laba Jimce oo ka mida inoo iman doonaan, isla markaana la gaadhsiindo adeeg bixintan caafimaad tuulooyinka degmada Faraweyne hoos yimaada, waxaanu bulshada reer Faraweyne intooda xanuunsanaysa ee halkan isugu timid in ILLAAHEY daawo ka siiyo,”

 

Leave a Reply