Abaal Marinta Iyo Niyadda Wanaagsan!

0
352

Boqoradii hore mid ka mid ah ayaa maalin soo dhex maray  dadkiisa isagoo uu balan qaaday qofkii uu ka helo kelmad wanaagsan inuu siin doono abaal marin 400 Diinar.  Sidii u wareegyay  ayuu markii danbe la kulmay oday 90 jir ah oo beeraya geed Saytuun ah.

 

Boqorkii ayaa ku yidhi maxaad u beeraysaa geedkan adigoo da’dan ah oo isuguna uu ku baxo 20 sano, geeridii ayaaba ku haysee? Odaygii ayaa intuu qoslay ku yidhi :” Kuwii inaga horeeyay way beereen inaguna waynu goosanay, markaa Inakuna way beeraynaa si ay u goostaan kuwa soo socda”.

 

Boqorkii aya hadalkii aad uga helay waxaana uu ku yidhi “ Kelmad wanaagsan ayaad tidhi waxaana ku siinayaa abaal marin 400 diinaar ah. Odaygii ayaa dhoola cadeeyay. Boqorkii ayaa weydiiyay maxaad u dhoola cadaynaysaa?

Odaygii ayaa ku jawaabay : “ Geedka Sayntuunku 20 sano ayuu ku dhalaa anigana kaygii imika ayuu ii dhalay”. Sidaasi ayuu wanaagga la sameeyo markiiba u leeyahay abaal marin dhakhso ah.

 

Leave a Reply