WEEDHA WARGEYSKA

0
304

SOMALILAND: WAXAAN DOONAYAA NOLOL AAN CIDI DILLAALAYN

Guud ahaan dunida aynu ku nool nahay dalalka caalamku waxay ku kala duwan yihiin sida ay u maareeyaan nolosha dadkooda iyo horumarinta  nolosha dadkooda.

Somaliland oo madabannaanideeda la soo noqotay 1991-dii illaa maalintii ay madaxbannaanideeda la soo noqotay illaa maanta oo ay jirtay soddon iyo dheeaad sano waxay ku naaloonaysay nabad gelyo,xasilooni iyo siku tashi mana jirto caawimo dibadeed oo ay dunida ka heshay,waxaanay halka ay maanta joogto ay ku soo gaadhay wax wada qabsiga ummadeeda oo ah dad u bisil dawladnimada iyo wax wada yeelashada isla markaana u diyaar ah horumarinta  qarankooda iyo illaalinta madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Markasta oo xaaladda siyaasadeed ee Somaliland ay gasho kala aragti duwanaan dhanka fikirka ah ugu dambayn waxaa loo dhaqaaqa ama la isku raca waxay danta qaranku ku jirto oo loo maro dhanka sharciga  oo uu ugu sarreeyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba waxaa soo baxay dhawaan in gudida doorashooyinka qaranku ay caddeeyeen in aanay wakhtigeedii ku qabsoomi Karin doorasahda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland taasoo ay caddeeyeen in dib u dhac badani ku imanyao wakhtigii doorasahda Madaxtooyada oo aanay gudida doorashooyinka waxba u diyaarsanayn.

Markay arrintu halkaa Marayso Somaliland waxay leedahay Dastuur qaran oo loo raaco marka xaaladdaas oo kale ay timaaddo waxaana lagu dhaqmaa oo dalka lagu hoggaamiyaa Dastuur Qaran oo afti dadweyne loogu codeeyay.

Markii  gududa Doorashooyinku ay caddeeyeen in aan doorashooyinku wakhtigoodii aanay qabsoomayn waxaa loo gudbay fulinta qodob dastuuri ah waxaana waajibaadkooda ka gutay golaha Guurtida oo sameeyay muddo kordhin ay u sameeyeen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Tallaabadaas oo ah mid Dastuuri ah oo wakhtigedu taagnaa sidaana loogu maray dhanka sharciga.

Haddaba hadalka ka soo yeedhay Beesha caalamka iyo saaxiibada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ee  ay ku sheegeen in loo baahan yahay in la gaadho heshiis doorashooyinka lagu qaban karo wakhtiga ugu dhaw ee ugu macquulsan waxay u muuqataa faro galin ka dhan ah qarannimada Somaliland,Saaxiibada Somaliland waxaan saaxiib ku nahay wada shaqaynta arrimaha ay kala shaqeeyaan dawladda laakiin cidna Somaliland saaxiib kulama aha wax kasta oo ka hor imanaya qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland na ma qaato kumana dhaqmo wax cid kale u yeedhiso masiirkiisana waa qaran isagu ka tashaday oo aan cidna uga amar qaadan tallaabooyinka dawaldnimo ee uu dalku ku dhaqmayo,mana jiro wax khilaaf ah oo ka  jira dhanka ku dhaqanka sharciga iyo u hoggaansanaanta Dastuurka Somaliland.

Saaxiibada Somaliland waxaan u sheegaynaa in Qaranka Somaliland oo ku yaalla Mandaqad xaasaasi ah isla markaana dalka Somaliland uu yahay dalka ugu dimuquraadi san dalalka ay isku ologga yihiin iyo kuwa qaaradda ba in aanu u baahnayn in muran siyaasadeed oo dibedda laga soo abaabulay in lagu soo dhex tuuro isla markaana dhinacyada siyaasadda Somaliland dhan lala safto.

Waxaa kale oo ay Somaliland mar kasta diyaar u tahay in talada dalka lagu gaadho doorasho qof iyo cd ah laakiin aan loo mari Karin dariq kasta oo kale oo kazoo hor jeeda Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn Jamhuuriyadda Somaliland go’aankeedu wuxuu yahay isku duubni ku dhaqanka sharciga iyo hannaanka xisbiyada badan mana aha dal ku fashilmay ku dhaqanka dastuurkiisa balse waa dalka keliya eek u yaalla Mandaqada ee sharcigu sarreeyo laguna illaaliyo hadba xukuumadda talada haysa.

Somaliland na waxay doonaysaa nolol aan cidi dillaalayn oo ay xor u tahay dawladnimadeeda iyo isku tashigeeda cid kasta oo taa nagu diidan na wax dan ah oon wadaagi karnaa ma jirto.

 

 

 

 

Leave a Reply