Ciidamadda DDS Itoobiya oo Baabuur iyo Eedaysanihii Dhacay Ku Wareejiyay Booliska Wajaale

0
231

Tog-Wajaale (Dawan):-Ciidamada  nabad-gelyada ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa baabuur hore looga dhacay gudaha Somaliland iyo eedaysanihii dhacay waxay shalay ku soo wareejiyeen booliska Somaliland.
Baabuurkaas oo noociisu ahaa Noha, ayaa hore looga dhacay caasimadda Somaliland ee Hargaysa, kaasoo ay lahayd shirkadda Qaadka ee Gaafane.
Sidoo kale ninka baabuurkaasi dhacay ayaa shirkadda Gaafane ee Qaadka waxa uu ka dhacay lacag dhammayd $150,000 oo dollar, kaasoo baabuurka uu dhacay la tegay dhinaca dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaana magaaladda Dhagax-buur.
Hase yeeshee shalay ayay ciidamadda ammaanka ee DDS Itoobiya ku soo wareejiyeen baabuurkaasi iyo ninkii eedaysanaha ahaaba taliyaha ciidanka booliska ee degmada Tog-Wajaale Gaashaanle Cabdirisaaq Aadan Faarax (Cabdi Sabanle).
Waxaanay baabuurka iyo eedahaysanaha kula kala wareegeen xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ee Tog-wajaale.
Taliyaha ciidanka booliska ee Wajaale qaybta Itoobiya gaashaanle dhexe Siciid Aadan Muxumed, ayaa sheegay in baabuurkaasi iyo ninka eedaysanaha ahba ay ku soo wareejiyeen komishanka booliska DDS Itoobiya, isagu na uu ku wareejiyay taliyaha booliska Wajaale ee qaybta Somaliland.
Waxaanu yidhi, “Anigoo ah taliyaha booliska ee Wajaale, ee dhinaca Itoobiya, waxaan ku wareejinayaa taliyaha booliska Wajaale ee qaybta Somaliland eedaysane Mustafe Cabdilaahi Yaasiin, oo soo dhacay gaadhigan Noha-da ah, oo taarikadiisuna tahay W0947. Hargaysa ayuu ka soo dhacay, wuxuuna la tegay Dhagax-buur. Halkaas ayaana laga soo qabtay, oo komishanka booliska ee DDS ayaana la keenay. Aniga saaka (shalay), waxaa la iiga soo gudbiyay komishanka booliska, si aan ugu wareejiyo booliska walaalaha aan jaarka nahay ee Somaliland”.
Geesta kale taliyaha ciidanka booliska ee degmada Tog-Wajaale Gaashaanle Cabdirisaaq Aadan Faarax (Cabdi Sabanle), ayaa isna sheegay baabuurka iyo eedaysanaha dhacay ba lagu soo wareejiyay wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland awgeed.
Waxaanu yidhi, “Baabuurkani, iyo eedaysanihii dhacay, ayaan kala wareegayaa gaashaanle dhexe Siciid Aadan Muxumed, gaadhigaasi oo hore looga soo dhacay magaaladda Hargaysa.
Wada shaqaynta ka dhaxaysa labadda dawladood awgeed, ayaana lagu soo qabtay gaadhigan, iyo eedaysanaha ba”.
Dhinaca kale gaashaanle Cabdirisaaq Aadan Faarax (Cabdi Sabanle), waxa uu xusay in aanay ahayn markii u horraysay oo ay ciidamadda amaanka dawlad deegaanku sidan oo kale eedaysane ama gaadiid la dhacay ugu soo wareejiyaan.
Hase yeeshee, ay marar badan oo kale ku soo wareejiyeen. “Tan oo qudha maaha. Dhawr jeer oo hore ayay dhacday, in gaadiidka iyo cid kastoo denbi gashayba , in labadda dawladood ay iska kaashadaan, gacanta ayaana lagu soo dhigaa, ma na baxsadaan.
Maanta na (shalay), waxaanu la wareegaynaa Somaliland ahaan eedaysanahani, iyo baabuurkii uu hore u dhacay.
Wajaale ahaan, labadda daamood ba, wixii fal-danbiyeed ah, ee labadda dhinaca ee Wajaale ka dhaca, waanu iska kaashanaa” ayuu yidhi taliye Cabdi-sebeble

 

 

Leave a Reply