Arrimaha Kuu Wanaagsan Adigu Ma Garanaysid!

0
274

Wuxu la taagnaa koox ardaydiisa ka mid ah kulliyadda caafimaadka ee ay dhiganayeen horteeda, markii uu jiidhay gaadhi ku socday xawaare sare , waxa si degdeg loo geeyay ardayga isbitaalka jaamacadda.

Baadhistii dhakhaatiirta ka dib waxa loo sheegay in keliyihiisa midkood dhiig bax samaynayso oo uu kala doorto in laga saaro si uu u badbaado ama diido si uu u dhinto.

Wuxu doortay in laga saaro, dhowr maalmood ka dib isagoo caafimaaday oo hor fadhiya qolkiisa Isbitaalka waxa  soo maray dhakhtarkii fuliyay qaliinkiisa isagoo dhoola cadaynaya waxaana uu ku yidhi “ Ma maqashay , kelmadda Qadaa wal-Qadar” “ Wixii Allah kuu qoray kuma seegayaan” . Ardaygii  ayaa ku jawaabay “ Haa Dhakhtar laakiin keli dhan ayaan waayay”.

Dhakhtarka ayaa ku yidhi “ Waan kula qabaa, laakiin ogow markii aanu baadhista kugu samaynay waxyeelada uu kuu geystay gaadhigu waxaanu helay keliyahaaga midkood oo wax yar dhiigaysa, waan baadhnay waxaan ogaanay inay tahay bilowga xanuunka kansarka unugyada oo haddii markaa aan wax laga qaban mar danbe dhimasho keenaya”.

Ardayga ayaa ku yidhi “ Markaa macalin waxyeelada ma gaadhiga ayay ka timi “?  Dhakhtarka ayaa ku yidhi “ Maya, laakiin haddii aanu gaadhigu ku jiidhin lama ogaan kareen sidiisaba nooca kansarka unugyada gudaha wakhti aan waxba laga qabin Karin ayaa la  ogaadaa. Waxaana jira arin wanaag ku leh oo aanad adigu ogayn. Ardayga aya hadalkiisa ku soo xidhay “ Allah mahad leh”.

Leave a Reply