“Mujaahidiintii SNM waxa loo samaynaya kaadh aqoonsi”Wasiirka arrimaha gudaha JSL

0
242

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha JSL Md. Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu xusay sanad-guurada 38-aad ee maalinta Shuhadada SNM oo ku beegan 17 Bisha October, ayaa sheegay in halgameyaashii Dalka xoreeyey loo sameyn doono Kaadhadh aqoonsi ah, si loogu suggo xuquuqda ay dalka ku leeyihiin.

Maxamed Kaahin Axmed, khudbad dheer oo uu halkaa ka jeediyey waxa uu kaga waramay taariikhda gaarka ah ee ay leedahay maalinta Shuhadada SNM, isagoo hufan u beyaamiyey milgaha iyo maamuska ay leeyihiin dadkii waddanka u soo halgamay.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply