Dood’cilmiyeed lagu lafagurayay Tiknoolojiyada oo Haegeysa lagu Qabtay

0
235

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Yuusuf Warsame Xasan, ayaa ka qaybgalay Dood-cilmiyeed lagu falanqaynayey “Hal-abuurka Tiknoolajiyadda, Fursadaha Ganacsiga iyo la-qabsiga bulshada” taasi oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Hal-abuurka Somaliland oo ay Hirgalisay Wasaaradda Isgaadhsiintu.

Dood-cilmiyeedkan oo ay ka soo qayb-galeen masuulliyiin, aqoonyahan iyo dhallinyaro aad u tirro baddan ayaa ujeedaddiisu ahayd, in lagu kulmiyo aqoonyahanka dalka iyo dhallinyarada leh hanka hal-abuurka si ay uga faa’iidaystaan tallooyinka iyo tilmaamaha ay bixinayaan aqoonyahanku.

Ugu danbayntii, agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leeyihiin dooddaha la isku waydaarsanaayo fikraduhu, isla markaana sheegay in ay wasaaradda ka go’an tahay dhiirigelinta dhallinyarada ee xaga tiknoolojiyaddu.

Leave a Reply