Farsamada Gacantu waa lafdhabata Horumarka Qaranka.”Madaxweyne-xigeenka JSL

0
269

Shirweynaha Waxbarashada Farsamada Gacanta oo Hargeysa ka furmay

 

 

 

Hargeysa-(Dawan):-Madaxweyne-xigeenka Somaliland Mudane. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Seylici) ayaa sheegay in farsamada gacantu tahay lafdhabarta horumarka qaranka loona baahan yahay sidii loo kobcin lahaa aqoonteeda.

Shirweynihii Waxbarashada Farsamada Gacanta heer Qaran oo shalay furmay ayaa Wasiirka Waxbarashada Axmed Toorno oo hadal ka jeediyey sheegay in ujeedada shirweynuhu yahay siduu uga soo bixi lahaa qorshaha horumarinta waxbarashada farsamada gacanta dalkeena.

Masuuliyiin kala duwan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in kobcinta aqoonta fasamada gacantu dabooli doonto baahiyo badan oo Qaranku leeyahay.

Wasiirada Maalgashiga, Isgaadhsiinta iyo Wasiir-xigeenada Warfaafinta, Caafimaadka & Waxbarashada oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inaynu dal ahaan si weyn uugu baahan nahay horumarinta waxbarashada farsamada gacanta.

Suuqa Wasaarada Waxbarashadu ku xisaabtamayso, ee u soo saarayso dhalinyarada baratay farsamada gacantu waa suuqa warshadaha, ayuu yidhi Wasiirka Maalgashigu.

Madaxweyne-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi (Seylici ) oo hadal ka jeediyey furitaanka shirweynaha Qaran ee Waxbarashada Farsamada Gacanta ayaa sheegay in Farsamada Gacatu lafdhabar u tahay horumarka Qaranka.

Md. Saylici ayaa sheegay in dalkeenu cagta saaray waddadii horumarka iyo isbedelka caalamka ka socda ee dhinaca tiknoolajiyada

Haddaynu haysano todoba iskuul oo farsamada gacanta, meel fiican ayeynu taagan nahay aynu ka bilowno, kana sii xoojino ayuu sheegay mudane Seylici.

Leave a Reply