Wasiir Godane oo kormeeray Goobaha waxbarashada ee Badhan

0
298

Badhan (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta , Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mustafe Maxamuud Cali oo wali ku sugan Magaalada Badhan ayaa soo kormeeray goobaha waxbarashada ee degmada Badhan, isaga oo kulan la qaatay maamulka iyo wax-garadka gobolkaasi.

Goobaha uu wasiirku soo kormeeray waxa ka mid ah Dugsiga Hoose Dhexe Siinay, Dugsiga Sare Ee Al Nuur , Cusbitaalka Guud Ee Degamada Badhan, waxaana intii uu Wasiirku marayey goobaha Waxbarashada uu kulamo la qaatay ardayda iyo maamulka dugsiyadda , isagoo ardayda kula dar-daarmay in waxbarashada ku dadaalaan.

Ujeedada kormeerka wasiirka ee goobahan ayaa ku qotomay ukuur-galida baahiyaha dhabta ah ee ka jirta goobahaasi isaga iyo waftigiisu ay booqdeen.

Maamulka goobaha waxbarashada ayaa wasiirka uga warbixiyey baahiyaha ay qabaan ,waxaana ay wasiirka uga mahadceliyeen bookhashadiisa

Intii uu wasiirku ku jiray kormeerkan waxa kale oo uu dhagax-dhigay guriga martida ee degmada badhan oo dhawaan dhismihiisu bilaabmi doono , waxaana dhagax-dhigaasi iyaguna goob joog u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Badhan Maxamud Xaamud iyo Maayarka Degmada Badhan Cabdalle Maxamuud cabdi .

Sidoo kale Wafdiga Wasiirku waxa ay kormeer ku tageen Cisbitaalka guud ee Degmadda Badhan waxa ay soo indha-indheeyeen habsami u socodka shaqada cisbitaalka , isagoo bukaanada jiifa cisbitaalka xaaladooda kala sheekaystay, waxaana warbixin ka siiyey shaqada cisbitaalka maamulka iyo masuuliyiinta cisbitaalkaasi.

Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mustafe Maxamuud Cali waxa uu kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadda Badhan isagoo kala hadlay sidii ay u ilaashan lahaayeen nabbed-galyadda, intii kulankani socday waxa ay waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee badhan uga warbixiyeen wasiirka xaaladda gobolka iyo kan degmadda badhan iyo sidoo kale baahiyaha ay qabaan deegaan ahaan.

Gabagabadii bulshada ku dhaqan Gobolka Badhan ayaan shalay u kala hadhin soo dhaweynta waftiga Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mustafe Maxamuud Cali oo shalay gaadhay gobolkaasi.

Leave a Reply