Wasiirka arrimaha Gudaha oo mulan la qaatay Madaxda hay’adda EUCAP.

0
325

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo agaasimaha guud ee wasaaradda arrmaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa kulan la qaatay madaxda hay’adda EU-CAP, taasoo ilaalinta Baddaha u qaabilsan Midawga Yurub.

Kulankan intii uu socdey waxaa lagaga wadahadlay Iskaashiga labada dhinaca iyo wada shaqaynta wasaaradda arrimaha Gudaha iyo EU-CAP, iyadoo ay heshiin ku wada jiraan wasaaradda arimaha gudaha JSL iyo Hay’adda EU-CAP.

Sidoo labada dhinac ayaa ka wadahadlay joojinta iyo ilaalinta Badda dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo labada dhinac iska kaashanayaan ka wada shaqaynta amaanka Xuduudaha Badda.

EU-CAP waxaa ka socdey Kanneth Neijnes Madaxa xafiiska EUCAP ee Somaliland, Jose Mario Kuxigeenka Xafiiska EUCAP, Mahad Ahmed Xidhiidhiyaha EUCAP iyo Somaliland.

Leave a Reply