Xikmadaha

0
352
  • Dadka dhincooda wanaagsan uga fiirso, oo iska dhiankooda xun
  • Noqo qof wanaagsan , dadka ha uga waramin inaad tahay qof wanaagsan
  • Saboolku uma baahna saacad toosisa, mushkuladihiisa ayaa ku filan oo kicinaya (R. Mugambi)
  • Qaybta danbe ee nolosha qof kasta, waxa ay ka dhalatay qaybtiisa hore. (Dostoevsky)
  • Aduunka wax kasta oo aad dhisatay wedka ayaa idin kala kaxaynaya, ku dadaal Aakhiro
  • Higsiga noloshu waa in aan raadino liibaanta dhabta waana sida Allah ina la doonayo.
  • Qofka nolosha fahmaa wax kasta waa uu cafiyaa oo iska dhaafaa.
  • Hadalka adagi si kasta oo looga naxo waxa uu ka faydaa xaqiiqda humaagga .
  • Qofka dadka ugu dhibta badan haddii aad ku tidhaa waan ku jeclahay, wuu hoganaya.
  • Aadamiga waxa keliya ee kuu hogaamin karaa waa ixtiraamka.
  • Islweynidu waa sharka iyo belaayada masiibooyinka hogaamisa.
  • Saaxiibka wanaagsani waa kan ku sheegaa khaladka aad gasho, kuna saxa.
  • Masiibooyinka u sabir maxaa yeelay marba marka ka danbaysa way sii yaraataa.

Leave a Reply