Garabkiisa ayaan joogay, waanan garanayaa waxa uu mudan yahay” –Zidane oo Fasiraad ka Bixiyey Shaqsiyadda iyo Xirfadda Benzema

0
190

Xafladdii Ballon d’Or ee Theatre du Chatelet ee magaalada Paris ee xalay xiddigga Adduunka lagu guddoonsiiyey Karim Benzema, waxa hadal cajiib ah ka jeediyey Zinedine Zidane oo si heersare ah u amaanay weeraryahanka ay isku waddanka yihiin.

Zidane ayaa lagu maamuusay fagaaraha Theatre du Chatelet  in uu abaal-marinta Ballon d’Or ku guddoonsiiyo Karim Benzema oo uu tababare ugu soo noqday Real Madrid, halkaas oo ay ku wada qaadeen saddex Champions League iyo koobab kale oo isugu jira La Liga, Copa del Rey iyo koobab kale oo badan.

Karim Benzema oo 34 jir ah ayaa xilli ciyaareedkii tegay ka caawiyey Real Madrid inay ku guuleysato UEFA Champions League iyo La Liga, isaga oo 46 ciyaarood oo uu u saftay u dhaliyey 44 gool oo uu ku darsaday 15 kale oo uu caawiyey.

Xulka qarankiisa Faransiiska ayaa uu sidoo kale sannadkii hore ka caawiyey in ay ku guuleystaan UEFA Ntions League, isaga oo ciyaartii finalka ee ay Spain 2-1 ku garaaceen uu dhaliyey mid ka mid ah goolasha.

Zinedine Zidane ayaa markii uu abaal-marinta Ballon d’Or guddoonsiiyey Benzema waxa uu ku sheegay weeraryahankii ugu wanaagsanaa taariikhda Faransiiska, waxaanu xataa ka sarraysiiyey Jean-Pierre Papin iyo Michel Platini oo saddex jeer  ku guuleystay Ballon d’Or-ka.

“Weeraryahankii guu wanaagsanaa taariikhda Faransiiska? Cid kasta waxay haysataa ciyaartoy ay jeceshay. Qarkood waxay kuu sheegi doonaan Jean-Pierre Papin goolashiisii cajiibka ahaa, kuwo kalena waxay ka hadli doonaan Michel Platini.” Ayuu yidhi Zinedine Zidane.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daraay: “Aniga aragtidayda, Karim ayaa ah weeraryahanka ugu wanaagsanaa taariikhda Faransiiska, sababtoo ah agtiisa ayaan joogay waanan garanayaa waxa uu mudan yahay. Si walba ayuu ugu qalmayaa inuu halka ugu sarreeya joogo. Waxa aan rajaynayaa in uu muddo dheer sii wadi doono rikoodhadan oo uu isku muujin doono garoomada isaga oo u ciyaaraya Real Madrid iyo xulka Faransiiska. Hataa waxa uu awoodaa inuu halkan meel ka sarraysa gaadho.”

Si kastaba, Karim Benzema ayaa noqday ciyaartoygii shanaad ee Faransiis  ah ee ku guuleysta Ballon d’Or, waxaana ka horreeyey Zinedine Zidane, Papin, Platini iyo Kopa.

Leave a Reply