Aaskii Qaaliga Noqday!

0
261

Wadaadkii diinta Buudiiska Fu Huwi ee dalka Shiinaha ayaa markii uu  dhintay sanadkii 2012 ay kooxhii macabadkiisa oo lagu magacaabo Kung Fu,  go’aamiyeen inay si sharaf leh u aasaan oo ka duwan sida loo aaso dadka kale.

Taageerayaashiisa ayaa sheegay inuu hawl badan soo qabtay oo ay tahay in la xusuusto, waxayna go’aamiyeen in dhamaan jidhkiisa lamariyo dahab , lana huwiyo kafan dahab looga dhigo.

Waxaana uu noqday ninkii aaskiisu ugu qaalisanaa wadaada Buudiiska. Odayga Budiga ah Mr.Fu ayay da’diisu ahayd 94 markii uu dhintay waxaana uu bilaabay faafintia buudiiska isagoo 13 sano ah.

Sida ay aaminsanaayeen buudisku wuxu ahaa nin si weyn ugu soo sheqeeyay diintooda waxayna ku maydheen biyaha dahabka. Iyadoo Markii danbe la dhex dhigay muraayad taalla macbadka si looga ilaaliyo in la xado.

Leave a Reply