Sharoobooyinka qufaca ee dilaaga ah: Maxaa looga cabsadaa dawooyinka lagu soo sameeyo Hindiya

0
105

Horraantii bishan, Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa soo saartay digniin caalami ah oo ku saabsan afar sharoobbooyinka qufaca ah oo lagu soo farsameeyay dalka Hindiya. Waxaa lala xidhiidhiyay dhimashada 66 carruur ah oo ka dhacday dalka Gambia.

Tijaabooyin la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dawooyinkaas ay ku jiraan maaddooyin waxyeello u gaysan kara bani’aadamka.

Dawooyinkaas dhimashada sababay ayaa keenay in adduunyadu ay mar kale ka fikirto Hindiya, halkaas oo warshadaha ugu waaweyn ee dawooyinka soo saara ay ku yaallaan.

Warshadaha dawada farsameeya ee dunida waxay ka macaashaan 42 bilyan oo doollar, lacagtaas oo kala bar laga helo dhoofinta dawada.

WHO waxay qiyaastay in lacagta laga helo dawada been-abuurka ah ee tayada xun ay gaarayso 30 bilyan oo doollar.

Dalka Hindiya wuxuu dawadiisa u suuqgeeyaa waddamada adduunka oo dhan, waana taas tan cabsida ugu badan keentay, gaar ahaan dalalka Afrika.

‘Hindiya waa farmashiga adduunka’

Marka laga yimaado Maraykanka, Hindiya ayaa ah dalka leh warshadaha dawada ee ugu badan adduunka, kuwaas oo tiro ahaan lagu qiyaasay 800.

Raysul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi ayaa hadda ka hor laga hayaa in dalkiisu uu yahay ‘farmasiga adduunka’. Marka la eego caddadka dawada ee uu dalkaas soo saaro, shaki-la’aan sidaas waa lagu tilmaami karaa.

Waayo-aragnimada soo-jireenka ah ee ay Hindiya u leedahay soo-saarista dawooyinka ka hortaga cudurka retroviral ayaa ka caawisay sameynta dawo qiimo jaban iyo inay saldhig u noqoto wax-soo-saarka dawada ee adduunka.

Dalal badan oo Afrika ku yaalla ayaa malaayiin doollar dawo uga soo dhoofsada Hindiya oo ku yaalla qaaradda Aasiya.

Si kastaba ha ahaatee, dalal badan ayaa leh hay’ado tayo-dhowrka dawada u xilsaaran, kuwaas oo muwaadiniintooda ka ilaaliya isticmaalka dawo wax u dhimeysa caafimaadkooda.

Maxay dalalku u cabsanayaan?

Warshadaha dawada ee Hindiya waxay sanad kasta kobcayeen 9% ku dhowaad toban sano, hase yeeshee waxay wajahayeen eedeymo ku saabsan tayo-xumo iyo habacsanaan.

Dad badan ayaa aaminsan in Hindiya ay mar kasta dhibaato ku qabtay qulqulka dawooyinka been-abuurka ah oo lagu iibiyo magaalooyinka yaryar iyo tuulooyinka.

Hase yeeshee, falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in dhaqaatiirta iyo bukaannada ay u badan tahay inay ku jahawareereen dawooyinka aan tayada lahayn iyo kuwa ay u maleynayaan dawooyin been-abuur ah.

Shaybaarrada dowladda ee ka shaqeeya tijaabinta iyo baadhista dawada ee gobollo badan ayaan dhaqaale haysan, ama shaqaale-yari wajahaya iyo qalab-xumo.

Diiwaanka rasmiga ah ee dowladda ayaa muujinaya in intii u dhaxaysay 2007 iyo 2020, ay in ka badan 7,500 oo ah dawooyin lagu tijaabiyay saddex ka tirsan 28-ka gobol ee Hindiya ay ka gudbi waayeen tijaabooyin tayo-dhowr oo la mariyay, waxayna ka hooseeyeen heerka loo baahan yahay.

Waxaa arrintaas lagu ogaaday cilmi-baadhis uu sameeyay Dinesh Thakur, oo horay madax uga ahaan jiray waaxda dawooyinka ee Hindiya, haddana ah khabiir caafimaadka bulshada ah.

Sanadkii 2019, carruur gaaraysa 11 oo ay da’doodu u dhaxeyso labo bil ilaa lix sano ayaa siyaabo la garan waayay ugu dhintay gobolka Jammu ee Hindiya.

Carruurta oo la dhibtoonayay qufac iyo qabow ayuu dhaqtar u sheegay inay isticmaalaan dawada qufaca. Beddelkii ay soo-kabasho sameyn lahaayeen, mar kale ayay xanuusadeen, qufac, matag, qandho daran iyo kelyaha oo shaqadii gabay ayaa isugu darmay.

Dalalka Afrika oo aan lahayn warshado ku filan wax-soo-saarka dawada loo baahan yahay ayaa ku tiirsan kuwa dibadda looga keeno. Su’aashu waxay tahay goormee ayay u suurtageli doontaa inay soo saaraan dawooyin u gaar ah oo ay uga hor tagaan cabsida la xidhiidhta dawooyinka qaldan ama tayada-xun ee dibadda laga keeno?

Leave a Reply