Goodir oo Hoggaankeeda Dhibcaha Horyaalka sii Dheeraysatay, ka dib Markii ay Garaaceen Kooxda Ganacsiga

0
255

Ciyaar ka mid ah todobbaadkii 17aad oo ay wada ciyaareen kooxda hogaanka horyaalka caasimadda heerka 1aad haysa ee Goodir iyo kooxda Ganacsiga ayaa shalay ku dhexmartay magaalada Hargeysa.

Kooxda Goodir oo bilawgii ciyaartaba laga dareemayay inay ka awood sareyso kooxda Ganacsiga ayaa daqiiqadii 8aad kubad uu Cabdicasiis delinta goolka kooxda Ganacsiga ugu dhex dhiibay laacibka Mustafe Shide oo afka ka ciyaara uu ku hubsaday goolka, kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay hogaanka ku qabatay kooxda Goodir,

Daqiiqadii 33aad ee qaybtii hore ee ciyaarta gool madaxa la soo saaray ayay kooxda Ganacsiga difaaceedu iska dhaliyay, waxaanay ciyaartu noqotay 2-0 ayay hogaanka kusii dheeraysatay kooxda Goodir.

Goolkii saddexaad ayay kooxda Goodir dhalisay daqiiqadii 64aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta, waxaanay ka dhigeen ciyaarta 3-0 ay ugu awood sheegaynayso kooxda Goodir dhiggeeda  Ganacsiga.

Daqiiqadii 71aad ayay markale shabaqa soo taabteen kooxda Goodir ee ciidanka Booliska, waxaana goolkaas u saxeexay laacibka Cabdicasiis Gucle.         `

Ciyaartan ayaa ku dhamaatay 4-0 ayay hogaanka dhibcaha ay ku hayeen kusii dheeraysteen kooxda Booliska ee Goodir.

Leave a Reply