Qisaska Xikmadaha

0
222

Waa maxay Xikmadi? Waxa lagu qeexay Xikamadu inay tahay shayga oo halkiisa ku haboon la dhigo.  Waxa kale oo la yidhi “ Waa arrin in loo qabto sidii ugu fiicnayd iyo wakhtigii ku haboona” Waxa kale oo la yidhi waa “ Waa dabeecada wanaagsan iyo go’aan qaadasho fiican”.

Nin xakiim ayaa ayaa wiil uu dhalay isagoo waaninaya ku yidhi “ Wiilkaygiiyow haddii aad doonayso inaad nin la saaxiibto ka cadhaysii, haddii uu naftiisa hanto la saaxiib, haddii uu is hayn kari waayo ka digtoonow oo ha u dhowaan”

Falylasuufkii Sokheret ayaa la weydiiyay maalin “ Maxay kuugu doorteen ninkii ugu xikmadda badanaa Giriiga “? Waxaana uu ku jawaabay “ Maxaa yeelay waxaan ahay ninka keliya ee og in aanu waxba aqoon”.

Nin Xakiim ah ayaa yidhi “ Walaaluhu waa saddex, mid sida raashinka ah oo aad mar kasta u baahan tahay, mid sida dawada ah oo wakhtiga xanuunka aad uu bahaato iyo mid xun oo aanad weligaa u baahan” Noqo kan wakhti kasta loo baahan yahay.

Leave a Reply