Imran Khan oo laga mamnuucay inuu xil u tartamo muddo shan sano ah

0
339

ISLAMABAD (Dawan) Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga mamnuucay inuu xafiis siyaasadeed u tartamo muddo shan sano ah, kadib markii guddiga doorashada dalka ay xukumeen inuu mas’uuliyiinta ka marin habaabiyey hadiyado uu ka helay hoggaamiyeyaal shisheeye intii uu xafiiska joogay.

“Guddiga Doorashada Pakistan wuxuu shaaciyey in Imran Khan uu ku lug yeeshay dhaqan musuq-maasuq,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Gohar Khan, oo ka mid ah qareenadiisa, kaasi oo intaas ku daray in shan sano la mamnuucay.

“Waxaan damacsannahay inaan uga loolanno maxkamadda sare ee Islamabad,” ayuu yidhi.

Kiiskan ayaa waxaa ku lug leh waax ka tirsan dowladda oo loo yaqaan “Toshakhana” oo shaqadeedu tahay inay hayso oo ay soo bandhigto hadiyadaha la siiyo madaxda.

Saraakiisha dowladda ayaa waxaa qasab ku ah inay shaaciyaan dhammaan hadiyadaha, balse waxaa loo ogol yahay inay haystaan kuwa ka hooseeyo qiimo gaar ah.

Hadiyadaha qaaliga ah ayaa ay tahay in lagu wareejiyo Toshakhana, hase yeeshee kiisaska qaar, kuwa la siiyey ayaa dib uga iibsan kara ayada oo loo sameynayo qiimo dhimis 50 boqolkiiba ah  qiimo dhimistaas oo markii hore aheyd 20 boqolkiiba balse uu 50 gaarsiiyey Khan intii uu xafiiska joogay.

Wargeysyada Pakistan ayaa muddo bilo ah daabacayey sheekooyin Khan iyo xaaskiisa ku tuhmaya inay heleen hadiyado qaali oo u qalma malaayiin dollar intii lagu guda jiray safaro dibadeed.

Waxaa ku jira saacado qaali ah, dahab, boorso gacmeedyo iyo barfuuno.

Khan ayaa lagu eedeeyey inuu ku guuldarreystay inuu shaaciyo qaar ka mid ah hadiyadaha, ama uu ka faa’iiday iibintooda.

Ashtakooyinka ka dhanka ah Khan ayaa waxaa markii hore intii uu xafiiska joogay guddiga doorashada u gudbiyey Dhaqaaqa Dimoqraadiyadda Pakistan, oo ah isbaheysi xubnihiisa ay hadda inta badan ka sameysan tahay dowladda Pakistan.

Xilligaas, Khan wuxuu sheegay inuusan shaacin qaar ka mid ah hadiyadaha sababo amni qaran dartood, hase yeeshee wuxuu qoraal ku qirtay inuu iibsaday alaabo qiimahoodu yahay 22 milyan oo rupee ($100,000) kadibna uu ku iibiyey laba jibaar lacagtaas.

AFP

Leave a Reply