Wajigii Koobaad ee Masaajidka SHAMSUDIIN oo la furay iyo Dhammeystirka inta hadhay oo Bulshada laga codsaday

0
227

Hargeysa (Dawan) Wajigii Koobaad ee Masaajidka SHAMSUDIIN oo la Daahfuray iyo    Dhammeystirka inta hadhay oo  Bulshada laga codsaday.

Masaajidka Shamsudiin ee xaafada Goljano ee magaalada Hargeysa ayaa si rasmiya loo furay,  kadib markii muddo laba sano ah dhisme ka socday.

Masaajidkan oo dhismihiisu yahay laba dabaq ayaan wali dhammeystirmin oo ay ka maqan yihiin minaaradii Masaajidka iyo Gogoshii dabaqa sarre, waxaanay imaamka masaajidka, injineerkii dhisay iyo bulshada xaafadu ay ka codsadeen umada muslimiinta ah inay ka soo qayb qaataaan dhameystirka masaajidka.

Masaajidkan oo si casri ah loo dhisay ayaa siweyn loogu duceeyay muwaadinka la baxay dhulka masaajidkani ka dhisan yahya iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismaha masaajidkan.

Sheekh Cabdillaahi Cismaan Cumar iimaamka masaajidka Shamsudiin ayaa sheegay sheegay in 25 sano kadib dib loo dhisay masaajidkani, waxaanu intaas ku daray in loo baahanyahay in gacan laga gaysto dhammeystirka Minaarada masaajidka oo qabyo ah iyo ka qayb qaadashada gogosha dabaqa labaad ee masaajidkaasi oo bannaan.

Waxaanu yidhi.“Sannadkii 1998-kii ayaa masaajikan la dhisay, waxaanu dhisan yahay hadda muddo 23 sanno ah, waynu duminay masaajidkii oo sannad iyo badh ayuu dhismihiisu socday, qaybtii hore ayaa imika inoo dhammeystirantay haddii ALLE yidhaahdo, ILLAAHEY ayaa mahada oo dhan iska leh.

Inta hadhsan ee Minaarada Masaajidka iyo gogosha dabaqa labaadna ILLAAHEYba inoo dhammeytiri doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo, waxaan bulshada ka codsanlaha in masaajidka la soo camiro.

Bulsho badan oo ehelu khayr ah ayaa dhismaha Masaajidka ka qayb qaatay, oo ay ugu horayso Xaajo Ardo Badde, ALLE haw naxariisto ILLAAHEY miisaanka xasanaadka hawgu darro.

Fikirka duminta masaajidkan waxa iska lahaa Injineer Muuse Cabdillaahi iyo Xaajiyo Xaliimo Cabdillaahi Nuur oo ay walaalo yihiin, iyo Xaaji Cali Cabdillaahi Magan, aniguna waan la socday ILLAAHEY fikirkii iyo niyadii wanaagsaneyd wuu nagu guuleeyay,”

Sheekh Xaaji Muuse Cabdillaahi, ayaa rajjo weyn ka muujiyay dhammeystirka qaybta qabyada ah ee masaajidka Shamsudiin.

Waxaanu yidhi. “Qolo la yidhaahdo Som-unite, oo qurxinta qaabilsan ayaa timid, in aanu khamiistii hore furno ayay ahayd masaajidka, iyaga ayaa noo yimid oo waxa ay yidhaahdeen waxa aanu ku tabarucayna qurxintiisa.

Hadda 7-kun oo dollar ayaanu hayna ayay yidhaahdeen marka dusha iyo hoostaba in aynu dhammeystirno ayaanu ka rajjeynaynaa, xaafada Goljano masaajidka iyaga leh, cid walba idinka ka xigga”

Maxamed Qawdhan oo ka mida odayaasha Xaafada Goljano ayaa bulshada xaafadaasi ugu baaqay ka qayb qaadashada dhismaha Minaarada masaajid si meel fog looga soo arko masaajidka xaafadaasi iyo gogosha qaybta labaad ee masaajidka.

Waxaanu yidhi.“Haddii aanad shilin hayn oo aad ugu talo gasho in aad wax bixiso waad bixinaysaa ILLAAHEYna wuu ku soo dhiibaya.

Masaajidkan nadaafadiisa iyo ilaalintiisa iyo rinjigiisa marawaxadihiisa iyo laydhadhkiisa masuul ayaynu kawada nahay, yar iyo weyn caruur iyo ciroole, in aynu ku dadaalno ubadkeenana ka ilaalino wixii edabdaro la imanaya kuna ilaalino wixii wanaagsan oo aynu nidhaahno halkaasi kaga hay, waxa inoo bilaabmi doona casharadii, dacwadii iyo dadaalkii wixii aynu ku raaxaysan jirnay.

Masaajidkaasi waxa uu inooga baahanyahay gogoshii oo xagga sare ah, in aynu iska xilsaarno sidii Minaarada Masaajidka aynu u taagilahayn ee meel dheer looga soo arkilahaa, sababto ah marka aynu guryaha ILLAAHEY dhisno, ee aynu qurxino ayaa ILLAAHEY aakhiro kuwa wanaagsan inooga dhisaya, guryaheenana qurxina SWC, inta aynu masaajida ku fikirno, masaajidada camirno, aynu salaada ugu soo noqnoqno, ayaynu ILLAAHEY u dhawaanaynaa”

Cabdirisaaq Mukhtaar Maxamed, oo ka tirsan wasaaradda diinta awqaafta xubina ka ah waaxda masaajidada ayaa furay masaajidka, ALLENA uga baryay in uu cidkasta oo gacan ka gaysatay dhammeystirka masaajidkan uga baryay in uu miisaanka xasanaadka ugu darro.

Waxaanu yidhi.“ILLAAHEY waxaynu ka baryayna kuwii dhulka bixiyay iyo kuwii masaajidkaa dhisayba wax ka khayr badan in ILLAAHEY ugu baddelo, ILLAAHEY waxa aynu ka baryayna in miisaanka xasanaadka ugu darro, ILLAAHEY waxa aynu uga baryayna maalin ay uga baahi badan yihiin in uu gacanta midig ka siiyo, ILLAAHEY waxa aynu ka baryayna khayr adduun iyo mid aakhiraba in uu ina waafajiyo, masaajidkuna wuu inoo furan yahay”

Leave a Reply