Dhakhaatiirta Dalka oo kulan ka Yeeshay Xaalada Xummada Dadka soo Ridatay

0
350

Barnaamijkeena caafimaadka xubinta koobaad ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona kulan lagu gorfaynayay sidii qorshe looga yeelan lahaa xumada bulshada tirada badani u jiifto cisbitaalada dalka oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

Waxa kulankaasi ka soo qayb galay dhakhaatiirta ka hawlagala cisbitaalada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyada oo xooga lagu saaray sidii loo sameylahaa habraacyo cusub oo la raaco, si bukaanada xumadu soo ridatay si isku mid loo qaabilo isla markaana loogu shaqeeyo.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye agaasimaha guud ee wasaaadda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa warbaahinta la wadaagay in qodobada la isqaatay ay ugu mihiimsan yihiin qaababka cisbitaal dhigida ee bulshada bukaanka ah, ka bixitaanka, daawo siinta, haddii uu dhiig  shubis u baahdo qaabka la rabo in loogu raadiyo.

Waxaanu yidhi.“Halkan maanta waxa isugu yimid dhakhaatiirta cisbitaalada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladda, ujeedada kulankuna waa aqoon iswaydaarsi.

Kulankani aynu isugu inimid waxa weeyi in aynu isla eegno oo aynu uwada tabbabarano oo aynu ka doodno oo aynu meel isla dhigno qaabka loo daaweynayo xumada inagu soo korodhay, isweydiino qaababka cisbitaal dhigida ka bixitaanka, daawo siinta, haddii uu dhiig  shubis u baahdo.

Kulankana xilligii loo baahna ayuu ku soo beegmay iyo in aynu ka yeelano qorshe midaysan, hagahaasi waxa aynu u baahanahay in aynu siweyn uga baraan dagno, waxna iska waydiino qaabka aynu u daawayn karno, una maamuli karno, iyo sidii aynu u maarayn karno xumada hadda inagu soo korodhay”

Kulankan laba geesoodka ahaa ee ay yeesheen dhakhaatiirta dawladda iyo kuwa cisbitaalada gaarka loo leeyahay ayaa ku soo beegmaya xilli ay dalka ka jirto xumad jiif iyo joogba u diiday bulshada, isla markaana cisbitaalada jiifisay bukaano badan oo qaarkood aanay geeri iyo nolol midna ahayn, halka kuwa kalena xabaalaha ay buuxdhaafiyeen.

Leave a Reply