Wasiirka caafimaadka oo kormeeray Cisbitaalka Maanka ee Ceerigaabo xarun Hooyada iyo Dhallaanka ahna xadhiga ka jaray

0
361

Xubinteena labaad ee barnaamijkeen xaafimadka waxa aynu ku soo qaadan doona wasirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo xadhiga ka jaray xarunta hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, taas oo wax weyn ka tari doonta baahidii loo qabay helitaanka xarun hooyada iyo dhallaanka ah.

Sidoo kale waxa uu wasiir Gaafaadhi kormeeray xarunta maanka ee magaalada Ceerigaabo oo dhismaheeda hadda gacanta lagu hayo, isaga oo mid mid u soo maray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka Maanku ka kooban yahya.

Cisbitaalkan loo dhisayo dadka maanka ka buka ee gobolka Sanaag iyo degaanada hoos yimaada oo hirgalintiisa lag wado magaalada Ceerigaabo ayaa wax weyn ka tari doona daaweynta iyo caafimaadinta bulshada qabta xanuunka maanka.

Qaybaha kala duwan ee bulshada reer Ceerigaabo ayaa soo dhaweeyay hirgelinta cisbitaalada Maanka ee dhismihiisu socdo, waxaanay balanqaadeen in ay ilaashan doonaan haddii ALLE yidhaahdo marka dhammeystirkiisa ILLAAHEY ku simo

Leave a Reply