Dowladda Indoniisiya oo mamnuucday Sharoobada Qufaca kadib markii caruur badan ay dhinteen

0
519

Xubinteena saddexaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, dawladda Indoniisiya ayaa gebi ahaanba joojisay isticmaalka Sharoobada iyo dhammaanba dawooyinka kale ee dareeraha ah, ka dib markii ay geeriyoodeen tiro ka badan 100 caruur oo ay soo wajahdey dhibaato dhinaca Keliyaha ah.

 

Dawladda ayaa sheegtay in tan iyo sannadkan bilawgiisii ay dalka ka jireen xanuun haleelay dhallaanka da’doodu ka yar tahay 18 ka sano kuwaas oo maalin walba la keeno goobaha caafimaadka.

 

Wasaaradda caafimaadka ayaa ku dhawaaqday in gabi ahaanba waddankaas laga joojiyey adeegsiga dawooyinka Sharoobada ah tan iyo inta laga xaqiijinayo waxa keenay dhimashadan.

 

Tan ayaa imanaysa xilli ay dhowaan dalka Gaambiya ku geeriyoodeen in ka badan 60 caruura oo dhimashadooda loo aaneeyey Sharoobada qufaca iyo xummadda ee laga keeno dalka Hindiya.

Leave a Reply