Ogaalka Basaasiinta Caalamiga Ah!

0
166

Subax Jiilaal ah , 17 Decemebar  ayay saddex nin oo xidhan koofiyado madaw iyo kabo waaweyn ka soo degeen Gaadhi yar oo midabkiisu buluug yahay, wacayna ahayd magaalo ku taalo dhinac waqooyi ee Dalka Jarmalka.  Raggaasi ayaa istaagay biriishka dhiniica, way deymoonayeen iyagoo kolba jiho u jeesanayay.

Wax yar ka dib dib Webiga dhiniciisa waxa isa soo taagtay Dooni kuwa mishiinka ah, taasi oo iyadana ka soo degeen saddex nin oo kale kuwaasi oo xidhnaa Jaakeeto Boodhe ah iyo koofiyado madow, iyo kabo la mid ah kuwii ay xidhnaayeen saddex nine ee sugayay.

 

Iyagoo aamusan ayay saddeexdii nine ee biriishka taagnaa u dhaqaaqeen dhinicii doonida soo gaadhay. Wakhti yar ka dib ayay ka soo noqdeen Doonida.

laakiin markan waxay ka koobnaayeen laba nin oo kofiyado madow xidhan iyo nin xidhan jaakeet boodhe iyo koofiyad madaw.

Subaxaasi qofkii daawaynayay muu garanayn in la is  dhaafsaday laba basaas oo caalami ah isla markaana muhiim ku yahay dalkiisa.

Leave a Reply