Wasaaradda Beeraha oo ku Guuleystay Horyaalka Heerka 2aad ee Gobolka Awdal, Iskana Xaadirisay Heerka 1aad

0
233

Horyaalkii gobolka Awdal ee heerka labaad oo muddooyinkii u dambeeyay ka socday magaalada Boorama ayaa doraad la soo gunaanaday, kaasoo ay ku guuleysatay kooxda wasaaradda Beeraha ee gobolka Awdal.

Horyaalkan heerka labaad ee gobolka Awdal oo ka socda garoonka Xaaji Daahir Stadium ee magaalada Boorama, waxa hanatay kooxda Wasaaradda Beeraha ee gobolka Awdal.

Kooxda Wasaaradda Beeraha oo noqotay champion-ka horyaalka heerka labaad ee gobolka Awdal ayaa toos u tagi doonta, isla markaana ka ciyaari doonta horyaalka heerka koowaad ee xilli ciyaareedka sannadka dambe ee 2023.

Sidoo kale gobolka Awdal waxa ka socda horyaalka heerka 1aad ee kooxaha gobolkaas, kaasoo weli aan lagu bixin balse, kooxo ka mid ah ayaa hoos u dhici doona, halka kooxda wsaaradda Beeraha ee heerka labaad ee gobolka ay ka mid noqotay kooxaha heerka koowaad ay ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee horyaalka gobolka Awdal ka ciyaaraana hoos u dhici doonaan horyaalka heerka labaad oo is-weydaarkaas ayaa dhici doona, kaasoo sanad kasta ka dhaca guud ahaan horyaallada heerarka kala duwan ee Somaliland

Leave a Reply