WEEDHA WAEGEYSKA Soomaalinimo iyo Soomaaliya laba kala Fog

0
187

Jamhuuriyadda Somaliland dadkeeda iyo dawladdeeda midna kuma faraxsana dhibaatada,dawlad la,aanta iyo qaraxa joogtada ah ee ay  ku nool yihiin dadka  dalka Soomaaliya ee muddada soddonka samo iyo dheeraadka ah dagaalka aan dhammaadka lahayn qaxa iyo qaraxyada ku waabariista kuna gabal dhacsada.

Umadda Somaliland mar kasta way ka damqanaysaa dhibaatada ay shacabka Soomaaliya ku dhammaanayaan,waanan uga ducaynaynaa in ALLE ka kor qaado.

Labada dal labadooda ummadood waa laba bulsho oo walaalo ah oo isku dhaqan ah isku diin ah is dhalay oon dhibaato isu quudhayn.

Laakiin umadda Somaliland waxaa dambi ka galay oo illaa imika xuquuqdooda dawladnimo duudsiyaya oo ka xun in Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dal ah oo walaalo ah in ay is gacan qabtaan madaxdii kala dambaysay ee soo martay maamulka Muqdisho oo ay ugu dambaysay dawladda hadda Muqdisho lagu waardiyeeyo ee Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo oo isagoo aan dadka uu xilka u hayo waxba u qaban ammaankoodana uu sugi kari waayay ku hadaaqaya in uu Somaliland xukumo oo ay ka mid tahay dawladdiisa.

Waxaa magaalada Beledweyne tegay oo hadal ka jeediyay Raysalwasaaraha Soomaaliya oo isugu yeedhay dawladda danqaran isagoo dul taagan burbrka iyo hadhaaga ka sii muuqda qaraxyadii ugu dambeeyay ee Baladweyne oo uu si aan  u damqasho lahayn ugu dhex dalxiisayay dadka dhibanaha u ah dawlad la,aanta ay isaga iyo inta la mid ka ahi ay gaadhsiiyeen.

Xamse Cabdi Barre Raysal-wasaaraha dawladda dan qarash eek u macaashta dhiigga dadkeeda ayaa si aan u nixid umaddeed oo uu ugu damqanayo shacabka tabaalaysan ee Baladweyne isagoo hadba dhan u baalla daymoonaya yidhi hadal aan meesha ku jirin oo muujinaya in aanay isaga iyo dawladdiisu waxba u tarayn dhibbaneyaasha dhimashada iyo dhaawaca loo geystay aanu murugada la qaybsan. “haddii ay Soomaalinimo jirto waa in Beledweyne la yimaadda oo maamul goboleedyadu yimaadaan oo Somaliland timaadda.”

Haddaba Raysal-wasaaruhu ma Raysal-wasaarihii Soomaaliya mise waa Raysal-wasaare xil u haya dalalka geeska Afrika ee Soomaalida.

Raysal-wasaare Xamse wuxuu ku sigtay in uu yidhaahdo anigoo ah Raysal-wasaaraha Soomaalida,markaa goormay Jabuuti noqotay Soomaaliya ee Itoobiya noqotay Soomaaliya ee Somaliland noqotay Soomaaliya ee Kiiniya noqotay Soomaaliya.

Haddaba Soomaaliya iyo Soomaalinimo waa laba kala duwan oo kala fog Soomaaliyana waxay ka mid tahay dawladaha Soomaalida laakiin ma aha manay noqon mana noqon doonto Soomaaliya meel sheegan karta wax ay wada leeyihiin qoomyadda Soomaalida oo degta dalalka Geeska Afrika.

Soomaali nimadu waa tii la isugu gurmanayay markii xaaladaha abaaruhu ay jireen,Beledweyne waa halkii ugu horraysay ee dawladda iyo dadka Somaliland ay gurmadka naf hurka ah gaadhsiiyeen markii daadadku qaadeen ee dadka iyo masasku dhirta isugu tageen.

Mar labaadkiina Beledweyne Abaartii ka dhacday umadda Somaliland deg deg ayay uga gurmatay shacab iyo dawlad ba.

Haddaba Soomaalinimadu waa isir qoomiyadeed oo ay wadaagaan qoomiyadda Soomaalida ee degta dalalka Geeska Afrika.

Soomaaliyana waxay ka mid tahay dalalka ay degaan Soomaalidu.

 

 

 

 

Leave a Reply