Urur Siyaasadeedka Barwaaqo oo si weyn Cududooda Taageero ugu Muujiyay Boorama

0
277

Boorama(Dawan):-Guddoomiye xigeenka ururka Barwaaqo  Adan Xasan Mataan ayaa sheegay inay soo bandhigeen taageeryaal ka badan tiradii kun-ka ahayd ee laga doonayey.

Mar uu kula hadlayay taageerayaasha ururka xaruntooda boorama,waxaanu uga mahadceliyey taageerayaasha ka soo xaadiray goobta.

“taageerayaasha shanta kun ka badan waxuu tusaale u noqonaya agobolada Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo sool, waxaan muujiseen in Awdal tahay ururka Barwaaqo.”

Waxuu sheegay in shaqadii maanta (shalay) u bilaabmatay, si ay ugu gudbaan xisbinnimo, ilaa hogaanka dalka aynu qabanno Barwaaqo joogsan mayno.

Saddex jeer ayaan ku labanlaabanteen tiradii ururka Barwaaqo laga doonayey ayey u sheegeen taageerayaasha madaxdii xarunta Boorama kala hadlay.

Dhinaca kale, urur-siyaasadeedyada cusub ayaa gobolka Awdal magaalo-madaxdiisa Boorama ku soo bandhigay tiradii kunka qof, kuna muujiyey cududa taageerayaashooda.

Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada & Ansixinta Axsaabta Qaranka ayaa 20 October ka bilaabay gobolka Awdal qorshe dhamaan gobolada dalka ay ku hubinayaan tirada kunka qof iyo xafiisyada ee dhamaan ururada siyaasada cusub.

 

 

 

 

Leave a Reply