Abaal-marinta Farxadda Iyo Qosolka!

0
505

Xaflad lagu magacaabo IG Nobel ayaa bishan September lagu qabtay Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka, Iyadoo abaal marintaasi IG Nobel lagu gudoonsiiyay saddex qof oo ku guulaystay.

Abaalmarinta IG Nobel Prize waxaa la siiyaa dadka ku guulaysta ariimo ay dadku ku qoslaan. Sanadkaan waxaa ka mid ah mowduucyo kala duwan sida fisikiska, biology, iyo kuwo kale.

Kulanka tartanka wakhtigan ayay ka qayb qaateen saynis yahanno kuwaas oo soo bandhigay fikrado cilmi ah oo qosol leh isla markaana aad u yaab leh. Waxaana ka mid aha su’aash ah “ Bisaddu ma dareeraa mise waa adke? Iyo  Waa maxay sababta aad Yaxaas haddii aad qaado nasiibkaagu u wanaagsanaanayo, sideese loo qaadi karaa?

Abaalmarinta, waxa aasaasay odayga Mark Abrahams, oo ah tifaftiraha joornaalka “Baadhitaan aan la isku halleyn Karin”  “Unstoppable Research”. Ujeedada ayuu ku sheegay inay tahay si loo dhiiri geliyo dadku inay sameeyaan cilmi baadhis wanaagsan iyo  mid xunba si wax kasta cilmi ahaan loo ogaado.

Abrahm ayaa kelmado kooban ku yidhi “Abaalmarinta waxay muujineysaa hab aan caadi ahayn oo loo eego qofka guulaysta ujeedadu waa in bulshada dhinaca kasta tartan loo sameeyo maxaa yeelay way  adagtahay in dadka qaar ay go’aansadaan in ay yihiin muhim fikri keeni kara, haddii aan la dhiirgelin oo aan tartan loo qaban..  (Russia Today)

Leave a Reply